GUDDAHA KA AKHRI: War-Saxaafadeed Kasoo Baxay Xafiiska Xogyaha Arimaha Gudaha Xisbiga UCID‏

0
13

Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid  Eng Faysal Cali Waraabe iyo Xighayaha Arimaha gudaha Abdiqani Salaf Kaptanka oo Maanta ka qayb galay Ciyaar adag oo laba naadi oo heerka labaada kubdhexmartay garoonka MMA ee Degmada M/haybe. Isla markaana Cup gudoonsiiyey kooxdii ku guulaysatay horyaalka Fc Horyaal.

 ucid

Xisbiga Ucid isagoo kaduulaya dhiiri galinta dhalinyarada ayuu xisbigu marwalba siinaya mudnaanta kobaad dhalinyarada madaama ay yihiin mujtamaca ugu badan bulsha jamhuuriyada Somaliland.

Dayaca Ka muuqda Garoomada lagu Ciyaaro kubada ayaa ah mid aan indhaha laga qarsankarin iyo qorshe la.aanta wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha. Waxaa Runtii Amaan Mudan oon halkan uga Mahad naqaynaa Dadka Shacabka oo Markii Dowladii Samayn Kari Wayday Garoomo Tayo leh oo Dhalinyaradu ku Cayaarto Samaystay Garoomo aad u fiican oo roogagii lagu Cayaarayay yaalaan isla markaana ka kireeya dhalinyarada kubada cayaarta.

Hadaba Waxa ku adag dhalinyarada inay marwalba lacag ka bixiyaan garoomada gaarka loo leeyahay madaama wadankii shaqo la.aan baahsani kajirto.

Waxaanu Xukuumada ugu Baaqaynaa inay dhalinyarada Wadanka katahriibaysa  Miisaaniyadan ee lagu faanayo wax loogu daro oo garoomada loogu habeeyo ay ku ciyaaraan waayo dhalinyarada ma wada qabato inaan shaqo abuur loo samayn iyo inaan garoomadii ay ku ciyaari lahaayeen loo hagaajin waayo..

Allaah Mahadleh

Abdiqani Ibrahim Salaf “Kaptanka”

Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga UCID.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here