Guddida Fulinta Ee Xisbiga WADDANI Oo Fadhi Ay Yeesheen Maanta Xilkii Kaga Qaaday Xoghayaha Guud Uurcadde

0
1

Hargeysa (Hubaal) Shir ballaadhan oo ay saaka iskugu yimaadeen guddida fulinta ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa waxa ay cod gacan taag ah ku ansaxiyeen in ay xilkii Xoghayenimo ay ka qaadeen Xoghayhii guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.

Xil-ka-qaadista lagu sameeyay xoghayihii guud ee xisbigaasi ayaa ka dambaysay khilaaf maalmahan ka dhex taagnaa hoggaanka sare ee xisbigaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here