Guddiga Diiwaan Gelintu Waa Xaaraan Xabaal Siiraanyo Ka Soo Qoday. Sharcina Uma Laha Inay Jiraan, Iyo Inay Hadlaan Toona. Eng Youssuf Ahmed

0
25

Guddiga diiwaan gelinta markii ugu horraysay, siiraanyo ayaa kula dooday madaxweyne Daahir Riyaale inaanay caddaalad noqon doonin guddi diiwaan gelineed oo uu dikreeto madaxweyne kusoo doorto. Sidaa awgeed inay Dikreeto baxdo, oo xusbiyada mid ba qaar keeno uu ku kalsoon yahay, oo guuddi siman ah. Laga yeel waxaanay noqotay arrintaasi arrin distoori ah, qofwalbana, iyo xusbi kastaba ku dhaqmaayo.

Waynu ka nimid oo waxaa la doortay doorashadii hore in ay keenaan saddexdii xusbi ee markaa jiray, guddi isku dhaf af, taas oo looga jeeday in xusbi walba awooddooda iyo ogaalka shaqadooda u dhuun daloolo, oo ay ku jiraan dad uu ku kalsoon yahay.

Haddii taa laga yimid. Oo wakhtigoodii dhammaaday, laba daraadle xusbiyadii keenay meesha ka baxeen qaarkood, oo beddelkooda qaar kale soo galeen, raggii xusbiyadii keenay ka mid ahina xusbiyo kale u guureen, oo madaxdooda ka tirsan yihiin, inaan guddidaasi dastuurina ahayn sharcina meesha ku fadhiyin, ee jujuub iyo sharci darro siiraanyo ku haysto.

Madaxweyne awood u leh, oo Daahir Riyaale ka dambeeya, oo sharcigu u fasaxayo  inuu awooddiisa ku dhiso guddida diiwaangelinta ma jiro.  Arrinkaasna siiraanyo laftiisa ayaa jeclaa berigaa, inaanay noqon awood madaxweyne inuu fara geliyo guddida diiwaan gelinta. Wayse dhacday  oo waakaa guddi xataa wakhtigoodii dhacay, u samaystay Dikreeto uu madaxweyne Daahir Riyaale ka diiday.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here