Guddoomiyaha Barlaamanka Jabuuti Oo Somaliya Dusha Ka Saaray Burburkii Wadahadaladii Somaliland Iyo Somaliya.

0
16

“Marka aad Fulisaan Heshiisyadii Hore ee Somaliland aad Kala Saxeexateen Ayaa Wadahadaladu Midho Dhali Karaan”

gudoomiyaha baanka jabuutiDjibouti (Hubaal) Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo booqday xarunta Baarlamanka Djibouti ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka dalka Djibouti Mudane, Maxamed Cali Xumad iyo qaar ka tirsan mudanayaasha Baarlamanka isagoo kala hadlay xidhiidhka labada dawladood iyo gaar ahaan wada shaqaynta  ka dhaxaysa labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Djibouti.

Waxa kale oo ay ka wadda hadleen Waddahadaladii Burburay ee Somaliland iyo Somaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu ka dalbaday Guddoomiyaha  Barlaamanka Djibouti in dawlada Djibouti ay soo kala dhexgasho Somaliland iyo Somaliya mar haddii ay Burbureen Waddahadaladii isla markaana dib Boodhka looga jaafo.

Guddoomiyaha Barlaamanka Dajbuuti ayaa waxa uu Dawlada Somaliya ku eedeyey in ay iyadu Masuul ka tahay Burburka Shirkii Turkiga isaga oo xusay in Qodobadii  shirarkii hore lagu heeshiyey aanay Somaliya mid kali ah ka  Fulin. “Marka aad Fulisaan Heshiisyadii Hore ee Somaliland aad Kala Saxeexateen Ayaa Wadahadaladu Midho Dhali Karaan”

Guddoomiyaha Barlaamanka Djabuuti ayaa waxa uu Taallo ahaan u soo jeediyey in wadahadalada waxa laga yeelayo ay u taalo midawga Africa iyo urur goboleedka IGAD oo kulan ka yeesha sidii loo xalinlahaa dhibatoyinka dhex yaala Somaliland iyo somaliya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here