Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Magacaabay Guddi Ka Tirsan Golaha Oo Dhex-dhexaadin Ka Gasha Khilaafka KULMIYE

0
31

Hargeysa(Hubaal) -Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa magacaabay gudi ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo dhex dhexaadin doonta khilaafka Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.

Guddida Guddoomiyaha Guurtiddu ayaa gudidan u magacaabay waxay dhan yihiin shan iyo toban xubnood oo saddex ka mid ahi yihiin shirguddoonka, halka laba iyo toban xubnood ee kale kala yihiin:-

saleebaan-gaal

 

X Cabdi Xuseen

 

Muxumed Aw Maxamed

 

C/qaadir Aw Xuseen

 

C/qaadir Maxamed Xasan

 

Yuusuf C/laahi Cawaale

 

Axmed Nuur Aw Cali Aadan

 

Axmed Muuse Obsiiye

 

Saleebaan Garas Seed

 

Maxamed Jaamac Abokor

 

Cawil Xuseen Axmed

 

Sheikh Maxamuud Xirsi Faarax.

 

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud aadan ayaa shalay ka soo dhoofay dalka dibadii waxaana isla markiiba ku dhawaaqay Gudidan dhex dhexaadineed,iyada oo aan la saadaalin karin waxa ay ka badali doonaan khilaafka hada cirka isku shareeray ee xisbiga kulmiye.walow ay horena u jireen dhaqdhaqaaqyo kale oo dhex dhexaadineed ku waasi oo iyana doonaya in ay ka qayb qaataan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka murugsan ee Xisbiga KULMIYE.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here