Guddoomiyaha Hay’adda Ka-hortaga Aafooyinka Iyo Kaydka Raashinka Qaranka Oo Ka Hadlay Mashruuc Kaydka Raashinka Qaranka Laga Siiyay Banka Wajaale

0
1

“Waxa Farxad Noo Ah In Dhul Cusub Oo Qardo Ah Oo Aan Hore Loo Qodin Oo Ku Yaalla Banka Wajaale Aanu Ka Samayno Keydii Qaranka Oo Uu Halkaasi Kasoo Baxo”

Wajaale (Hubaal) Guddoomiyaha hay’adda ka-hortaga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh iyo wefti uu hogaaminayo ayaa kormeer balaadhan ku tegay goobo loogu talogalay in laga beero keydka raashinka qaranka, Goobahan oo ku yaala banka wajaale ayaa waxa fahfaahin ka bixiyey guddoomiyaha Guddoomiyaha ka-hortaga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh “waxa farxad noo ah inaanu bankii Wajaale ka bilowno mashruuc runtii balaadhan, dalkana wax weyn tari doona. Maanaan doonanin dhulkii qardooyinka ahaa ee hore loo qodi jiray oo ama ciidanku qodon jiray ama wasaaraddu qodan jirtay, laakiin dhul cusub oo qardo ah oo aan hore loo qodin oo kayntii leh baanu banaynaynaa, taasi qorshaheedu waxay weeyi inaanu ka samaynno keydii qaranka oo halkaasi uu kasoo baxo. Maalintii aan shaqada imid dadkii ugu horeeyay ee aan la kulmay waxa uu ahaa xafiiskaa Bisha Cas iyo Red Kiriisan oo is huwan, codsigii u horeeyay ee aanu u gudbinay, waxay ahayd oo maskaxdayda ka guuxaysay inaanu kayd qaran helno, sidee baanu ku samayn karnaa, runtii hormood waxa innoogu ah oo hawshaa qaranka inoogu qaabilsan waa wasaaradda beeraha, annagoo u marayna nidaamkii, inaanu marka hore aanu helno mucaawino aanu ku qodo karno dhulkii, maadaama siyaasaddii madaxweynu noqotay in beeraha la tixgaliyo, annaguna aanu nahay keydkii qaranka, oo ta wasaaradda beeraha kasoo go’da iyo tan kaleba runtii cida ay kusoo hoyan doontaa ay tahay hay’addan aan madaxda u ahay.” Ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Sheekh oo sidoo kale u mahadheliyay hay’addaha Red Cross iyo Red Cresin oo uu sheegay inay iyagu gacan balaadhan ka gaysteen mashruucaasi, waxaanu yidhi; “Hay’addaha Red Cross iyo Red Cresin oo naga aqbalay inay gacan qabtaan oo ay kharashkii saaxadaha kun iyo shanta boqol ee saacood ah inay bixiyaan, aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa.” Ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh

Badhasaabka gobolka Gabiley oo isna halkaasi ka hadlaya ayaa yidhi; “Annaga gobol ahaan waxa sharaf noo ah in gobolkayagu yahay gobolka ugu mudan ee ka faa’iidaysanaya xaga beeraha, markaa waanu soo dhaweynaynaa

Waxa iyana goobtaasi hadalo kooban ka jeediyay mas’uuliyiinta ka socotay hay’addaha bisha cas oo soo dhaweeyay sida wacan ee ay hay’adda kayda raashinka qaranku uga faa’idaysatay mashruucan.

SHARE
Article horeTirada Shirkado Ajanebi Ah Oo Isugu Soo Hadhay Tartan Loogu Jiro Mashruuca Biyo-gelinta Caasimada Hargeysa
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here