Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaallaha Oo Wasiirka Maalliyada Ku Wareejiyey Liiska Caagleyaal Mushaharkii Laga Joojiyey

0
1

 

Waxaa Ay Hay’adda Shaqaallahu Caddaysay In Mushaharkii Laga Joojiyey 1,252 Shaqaale oo Madaxtaabashadii Aan Soo Xaadirin

 

 

Hargeysa (Hubaal)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Wasiirka Horumarinta Maaliyada Ku Wareejisay 1,252 Kaalmo Shaqo Oo Lasoo Waayey Dadkii Ku Mushaharka Qaadanayay Kuwaas Oo Hore Ugu Jiray Jadwalka Mushahar Bixinta. “Waxa Maanta [Shala] Wejigii 1-Aad Si Rasmi Ah Loo Joojiyay 1,252 Kaalmo Shaqo Oo Dadkii Ku Mushaharka Qaadanayay Lagu Soo Waayay Diiwaangelintii Dhawaan Ay Samaysay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu Kuwaas Oo Hore Ugu Jiray Jad-Walka Mushahar Bixinta…” ayuu yidhi Guddoomiye Sharmarke Geelle.  Haddaba, diiwaangelinta shaqaalaha dawladda oo mudooyinkii u dambeeyey gacanta lagu hayey ayaa lasoo diiwaangeliyey tiro dhan 14,057 halka ay markii hore diiwaanka mushahar bixinta ay ku jireen 16,533. Faraqa oo dhammaa 2,476 ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay lagu waday dib-u-eegis iyo kala shaandhayn. Ugu dambayn, waxaa raq iyo ruux loo soo waayey baadhid dheer kadib tiro dhan 1,252 halkaas oo aanu maanta ku wareejinay magacdooda iyo darajooyinkooda Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda kuwaas oo isla saaka si rasmi ah loo joojiyey mushahar iyo gunno wixii u qornaa Shaqaalaha kale ee dhiman oo tiradoodu dhan tahay 1,224 ayaa maalmaha soo socda iyagana siyaasad, hubin, iyo go’aamo ka soo bixi doonaan, kuwaas oo u kala baxa:

1-  Dhimasho   172

2-  Dhul-yaal   132

3-  Waxbarasho  87

4-  Fasax Caafimaad 69

5-  Dad maqnaa xiligii diiwaangelinta iyo kuwo dood magac ka qaldan u socoto 764

Maalmaha soo socda waxa aanu soo gudbin doonnaa inta tiradan dhab ka noqota iyo inta wajiga 2aad iyagana laga tirtiri doono liiska mushahar qaadashada.

Waxa hubaal ah in qaran waliba guul ku gaadho sida uu u habaysto shaqaalihiisa isla markaana shaqaaluhu yihiin cidda ka shaqaysa dhinac walba oo horumarka ah.

Isla marka la dhameeyo wajiga ugu dambeeya ee kala shaandhaynta, waxa la soo saari donaa hannaanka hufan ee kaalmahaa shaqo loogu buuxin doono iyo fursadaha shaqo ee dhalinyarada dalku ka heli doonaan dib-u-habayntan halka shaqaalaaha dawladdana loo bilaabi doonno tayayn iyo horumarin.

Dhinaciisa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaa Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa xusay sida uu ugu faraxsan yahay in uu arko midhiihii diiwaangelinta oo guul laga gaadhay sida oo kalena. xusay in ay degdeg uga saari doonaaan liiska mushahar bixinta. Wasiirka oo arimahaa ka hadlaya ayaa hoosta ka xariiqay in arintani kamid tahay noocyada musuq-maasuqa ee u baahnaa in wax laga qabto sida oo kalena hay’adda shaqaalaha Dawladda ku ammaanay dedaalka ay hawshan geliyeen.

SHARE
Article horeNuxurka Weedho Kooban Oo Madaxweynaha Soomaaliya Uu Ku Cabiray Bandhiga Carwada Caalamiga Ah Ee Buugaagta Hargeysa
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here