Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka Aqalka golaha wakiilada Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

0
18

Hargeysa(Hubaal):-Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wafti uu hogaaminaayey oo socdaal shaqo ugu maqnaa dalka Itoobiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay ka qayb galeen xuska maalinta qoomiyadaha Itoobiya oo sanadkiiba hal mar la qabto.

Waftigan uu hogaaminayey guddoomiyaha golaha wakiilada Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa waxaa sida oo kale ku wahelinaayey guddoomiye ku xigeenka aqalka wakiilada Md:Baashe Maxamed Faarax, waxaana markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport, si balaadhan halkaasi ugu soo dhaweeyey masuuliyiinta sar sare ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, salaadiin, haween, dhalinyaro iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan.

DSC04541Waxaana soo dhaweynta ka dib ay labadan masuulba ujeedka socdaalkooda ay uga xog warameen warbaahinta,waxaana ay sheegeen in ay ku maqnaayeen socdaal ay ku dalka Itoobiya kaasi oo ay kaga soo qayb galeen xuska maalinta qoomiyadaha dalka Itoobiya oo marti qaad uga yimi madaxda sar sare ee dawlada dalka Itoobiya.waxaana ay carabka ku dhufteen in ay si aada ugu mahad celinayaan sidii qiimaha lahayd ee ay ugu soo dhaween gudaha dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn waxa uu dhankiisa uga mahad celiyey dawlada Itoobiya sidii ay ugu soo dhaweysay dalkaasi, waxaana uu sheegay in intii ay halkaasi ku sugnaayeen ay kulamo la yeesheen madaxda kala duwan ee dalka Itoobiya, iyo diblomaasiyiinta wadamada kale u jooga dalka Itoobiya.

DSC04503“Safar Shaqo oo ah marti qaad rasmi ah oo aanu ka helnay Baarlamaanka Itoobiya,oo ah xaflad sanad walba la qabto oo ah maalinta qoomiyadaha ee dalka Itoobiya, munaasibadaas oo ah maalin aad loo weyneeyo oo dhamaanba madaxda qaranka dawlada Itoobiya ay ka soo qayb galaan iyo Kililaduba,waxaa kale oo lagu marti qaada wadamada ay jaarka yihiin.Sanadkana waxaa lagu qabtay gobal fog oo xuduudka Itoobiya iyo Suudaan u dhaxeeya oo ahna meesha laga dhisaayo dhaamka weyn ee biyo xidheenka dalka Itoobiya ay hada wado.waxaa kale oo ka soo qayb galay madax badan oo uu ka mid yahay madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Suudaan Raysal wasaarayaal fara badan iyo masuuliyiin kale oo aad u badan, sida oo kale inta badan safaaradaha jooga magaalada Adis ababa dhamaantood waa ay ka soo qayb galeen. Xafladaas iyo xaflado kale oo ka sii horeeyeyba oo dhaambka laftiisa lagu qabtay anagu waxaanu ka qayb galnay xafladii weynayd oo raysal wasaarahuna uu joogay,raysal wasaarahana salaan sharaf ayaanu isku salaanay halkii goobtii iyo madaxdii kale ee halkaas joogtay, masuuliyiin aanu shirar gaar gaar ah la galnayna dee waa ay jirtay intii ay xafladaasi socotay iyo intii aanu Itoobiya joognay ama diblomaasiyiin ha noqdaan ama masuuliyiin kaleba ha noqdaane oo dalka Itoobiya iyo dalalka kaleba ah. Intii aanu munaasibada joognayna waxaa na soo dhaweeyey wasaarada arrimaha dibada iyo baarlamaankaba runtii waanu u mahad naqaynaa,soo dhaweyn wanaagsan oo mudan oo heer dawladeedna ah ayaa nalagu soo dhaweeyey, taasina waxaa ay muujinaysaa uun in cilaaqaadka dawlada Itoobiya iyo Labada Baarlamaanba u sii koraayo, waxaan aad ugu faraxsanahay in aanu wadankayagii aanu ku soo noqono”Ayuu yidhi guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

DSC04521Guddoomiye ku xigeenka aqalka golaha wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) oo isna dhankiisa halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa waxaa uu yidhi:”Sida uu guddoomiyahu uu sheegay shirkaas ayaanu ka qayb galnay, aad iyo aadna waxaanu ugu mahad celinaynaa dawladii Itoobiya oo si fiican noo soo dhaweysay gaar ahaan golaha baarlamaanka oo si heer sare ah noo soo dhaweeyey naguna sharfay in aanu xafladaas ka qayb galno anaga oo sanad walba ka qayb galna,tii dhaweydna kaga qayb galnay Jig-jiga,sanad walba oo ay na soo casuumaana ka aqbalna, aad iyo aad waxaanu ugu faraxsanahay in aanu dalkayagii aanu ku soo noqono”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here