Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Oo Ka Hadlay Khilaafka Xisbiga Kulmiye

0
22

Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka kala irdheeya Hogaanka Xisbiga Kulmiyo xukuumadda.

xasan guure

Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye uu ka araday dhinaca Dimuqraadiyada isla markaana ay ka door bideen in awood la isku muquuniyo.

“Haddii Dimuquraadiyadda KULMIYE dhexdiisu dhantaalanto, waxa dhantaal-maya Dimuquraadiyaddii Somaliland , sidda ay u muuqata-ba Xisbiga KULMIYE markii hore Dimuquraadiyad kuma dhisnayn. Anigu Xisbiga KULMIYE ayaan ka mid ahaa waxyaabaha aan kaga tagay waxa ka mid ahayd markaan arkay Guddihiisii oo aanay Dimuquraadiyaddi ka jirin markii Golaha dhexe Burco lagu dooranayay ayay dhacday .

Cabdiraxraxmaan Cabdiqaadir sidii loola dhaqmay weynu ogayn waxaas oo dhami waxay ina tusayeen Dimuquraadiyadda KULMIYE in aanay dhamayn”

Wuu sii watay hadalkiisa waxaanu yidhi  “Haddii KULMIYE Dimuquraadiyadda ku dhaqmo waxa weeyaan Madaxweynaha ayaa ah Nin Dimuquraaddi ah haddii uu ku Xukumi-waayo u malayn-maayo inuu Dalka Dimuquraadiyad ku xukumayo.

Doorashooin-baa ina sugaya in aynu gal-no, Somaliland-na waxay halkan ku soo gaadhay in taladda la wadda leeyahay .

Madaxweynuhu khubaddii uu ka jeediyay 18-kii May waxa uu aad uga hadlay inuu wixii qaladdan uu Dadka kala tashan-doono, inuu tallo ogol-yahay waxaanu hadd iyo goor hal-hays u lahaa inay Somaliland wadda-tashi halkan ku soo gaadhay Xisbigiisa sidda uu u dhaqo iyo afka uu ku hadlo isma-laha” ayuu hadalkiisa ku soo khatimay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here