Guddoomiyaha Maxakamada Sare Oo Ka Hadlay Garsoorayaal Uu Madaxweyne Siilaanyo Shaqada Ka Caydhiyey

0
53

Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa  Maalintii shalay Degreeto xilalkii kaga qaaday Afar kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare. Madaxweynaha, ayaa Degreetadiisa ku sheegay in ay muuqatay baahi loo qabo in garsoorka dalku isbeddel u baahan yahay, iyadoo aan faahfaahin intaas dhaafsiisan laga bixinin Go’aankaas Madaxweyne. Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale soo kordhiyey lix garsoore oo kale oo ay maxkamadda sare yeelan doonto, isagoo  marka laga tago labada garsoore ee la beddelay magacaabay Lix garsoor oo kale.  Digreetada Madaxweynaha oo dhammaystiran halkan ka dheeho

 Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3438/072015 xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Garsooreyaasha maxkamada sare.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in loo magacaabo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Khibraddooda iyo waayo-aragnimadooda ay u leeyihiin xirfadda Garsoorenimo;

Markuu Isku Qanciyey: In ay hanan karaan xilka iyo waajibaadka Garsoorenimo;

Wuxuu Go’aansaday:-

  1. In Mudane, Axmed Diiriye Qaalib, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Mudane, Cali-shucayb Sh. Ibrahim Nuur, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. In Mudane, Maxamed Faarax Siciid, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  4. In Mudane, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  5. In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Adan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  6. In Mudane, Cabdiraxmaan Jaamac Hayan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  7. In Mudane, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  8. In Mudane, Yaxye Cali Idiriis, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xilka qaadis

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 105-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda;

Markuu Yaqiinsaday: In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka;

Wuxuu Go’aansaday laga bilaabo taariikhda maanta

In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Yaasiin Xasan Ismaaciil.

In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Axmed Xasan Dirir.

In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Cabdiraxmaan Madar Caraale.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Maxkamada Sare  Aadan XAaji Cali Axmed Ayaa Madaxweynaha uga mahad naqay digreetada uu soo saaray ee uu xilalkana qaar kaga qaaday kuwo kalena ku magcaabay  iyada oo tirada garsoorayaasha la kordhiyey.

Qoraal kooban oo mahad naq ah oo Guddoomiyuhu xalay HUBAAL soo gaadhsiiyey ayaa uu ku soo dhaweeyey   Garsoorayaasha uu  Madaxweynuhu Kordhiyay:

Waxaana qoraalkaasi u dhignaa sidan: “Gudoomiyaha Maxkamadasare iyo ta Dastuurga ahi waxa uu uga mahadnaqayaa madadaxwaynaha Jamuuriyadada Somaalilad kordhinta uu ku sameeyey Garsorayaasha maxkamada sare iyada oo ka turjumaysa baahida loo qabo Garsoorayaal Dacwadaha dhaqaaajiya. Madaxwaynuhu waxa kale oo uu tixgaliyey talooyinkii uu u soo jeediyey Gudoomiyaha Maxkamada sare iyada oo garsorayaasha la magacaabay ay yihiin dadkii u qalmaayey oo ah dad khibrad dheeraad ah u leh kuna soo dhex jiray Garsoorka  muddo dheer  isla markaana waxbarasho sharci oo sareeya leh. Waxaan rajaynayaa in ay wax weyn ka tari doonaan dib u habaynta cadaalada iyo waliba dacwado kor u dhaafay 300 (saddex boqol oo dacwadood) oo mudo dheer maxkamadaha iska dhex yaalay una baahan in laga garnaqo. Garyaqaan

Adam Xaaji-Cali Axmed

Gudooomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga

Ahna Gudoomiyaha Gudida Cadaalada

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here