Guddoomiyaha shirkadda La Wareegtay Dekedda Berbera Oo Mar Kale Ka Hadlay Sharciyadda Maalgelintii Ay Ku Qandaraaseen

0
1

Sultan Ahmed Bin Sulayem Oo Telefishanka Maraykanka Laga Leeyahay Ee CNBC  Wax Ka Weydiiyey Heshiiska Dekedda Berbera

 

Berbera(Hubaal)- Guddoomiyaha shirkadda DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa shaaciyey inay  nidaam  sharci ah u mareen heshiiska maalgashi ee ay ku ballaadhinayaan dekedda magaalada Berbera. Guddoomiyaha Shirkadda DP World, wuxuu sidaas ku sheegay mar uu shalay la hadlayey telefishanka Maraykanka ee CNBC ,  waxaanu shaaciyey in aanay jirin sabab  heshiiska ay la galeen Somaliland ula doontaan Soomaaliya, maadaama oo dekedda Berbera ay ku taalo Somaliland. Sultan Ahmed Bin Sulayem, wuxuu caddeeyey in Somaliland iyo Soomaaliya ay hore  isku raaceen inaan la siyaasadaynin arrimaha dhaqaalaha, Guddoomiyaha Shirkadda DP World  wuxuu intaas ku daray  inay heshiiska ay kala saxeexdeen Somaliland ahaa mid sharci ah. Dawladda jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadda DP World  ayaa heshiis lagu casriyeynayo dekedda Berbera kala saxeexday Bishii May sannadkii 2016kii.

Xigasho: SOLNA

SHARE
Article horeUmmadu Ha Kala Deyso Dalka wax Haloo Qabto iyo Lacagta Qaranka Hala Iska Gurto
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here