“Guddoomiyaha Solja, War-Murtiyeedkii Uu Soo Saaray & Qoraalkii Uu Isku Barbardhigayay, Runtii Waxaannu U Qaragnaa mid Garsiinaya Nin Gardaroole Ah Oo Xadgudbay”

0
1

Guddida Nabad Geliyada Oo Ka Hadlay Dhacdadii Dorraad Jimcihii Ka Dhacday magaalada Gabiley, Jawaabna ka bixiyey qoraal War Ka Soo Baxay Solja

“Laba Arrimood Uun Baan U Arkay Xuuto Hadalkiisa; In Aanu Arag Fiidiyowga Laga Duubay Dhacdadan Oo Warkii Ay U Soo Sheegeen Nimankii Falkan Sameeyay, Uu Ku Go’aan Qaatay Oo Aanu Dhagaysanba, Iyo In Isagu Intuu Arkay Falka Meesha Ka Dhacay, Markaana Si Badheedh Ah U Difaacaaya Nimankaa Qaladka Galay.”

Gabiley (Hubaal)– Gudida nabad geliyada magaalada Gabiley, ayaa kulan ay shalay yeesheen waxa ay ka hadleen dhacdadii foosha xumayd ee mid ka mida Weriyeyaasha Gabiley uu kula kacay Askari ka tirsan Ciidamada Booliska ee magaaladaasi, Kadib markii uu damcay inuu qoriga ka qaado askarigaasi oo amar ku qabay in aanu weriyuhu soo gelin goobtaasi.

Badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed iyo Taaliyaha qaybta gobolka Gaashaanle sare Axmed Siciid Maxamed oo si wada jira warbaahinta ula Hadley, ayaa sheegay in falkaasi uu ku kacay weriyahaasi uu ahaa mid sumcad xumo ku ah Gobolka, Saxaafada, iyo Ciidamada, iyagoona sidoo kale ka jawaabay war ka soo baxay Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee Solja.

“Dalkeennu wuxuu ku dhisan yahay, sharci, ilaalin iyo kaladambayn, hay’ad waliba inay sharciga dhinaceeda ka ilaaliso. Ujeedadoodu inamadaasi waxay ahayd, inay qaranka xumeeyaan oo wanaagaa aannu tusaynay dadka ajanabiga ah ee waddanka wax u taraya, wax ka duwan ay tusaan ay carqaladeeyaan, ayaa waxa dhacday markii aanu weftigaasi marinayay goobihii loogu talogalay, lug bay ku mareen siday awalba ahaan jirtay oo wax cabsiya oo nabadgalyo-darro ah may jirin, waxaannu tagnay garoonkii Mo Faarax oo ahayd halkii aanu iibinaynay in ciyaaraha lagu qabto, markaanu galnay oo ciidankii aanu ku amarnay inay albaabada xidhaan oo aany cid kale soo galin, intaas dabadeed ayaanu waxa ku war helnay, buuq iyo weerar ka socda albaabka aanu askariga waajibaadku ku siinay inuu xidho. Sidaad media-ha ka aragteen, runtii qaab sharci-darro ah oo asakarigaa waajibaadkiisii gudanaya lagu hujuumay, laguna weeraray, faraha lala galay, qorigiisii lagu qabsaday, la aflagaadeeyay ayaa meesha dhacday.” Ayuu yidhi Taaliyaha qaybta gobolka Gaashaanle sare Axmed Siciid Maxamed

“Askarigu waajib buu leeyahay, xuquuq buu leeyahay, halkanaa amar lagu siiyay inaanay ciddi u soo dhaafin, suxufigana inaan shaqadiisa lagu farogalin oo lagu ixtiraamo ayuu xaq u leeyahay, balse askariga shaqadiisii baa loogu yimid ee askarigu umuu tagain oo muu doonan suxufiga.” Ayuu yidhi badhasaabka gobolka Gabiley

“Guddoomiyaha Solja, war-murtiyeedkii uu soo saaray iyo qoraalkii uu isku barbardhigayay, runtii annagu waxaanu u qaragnaa mid garsiinaya nin gardaroole ah oo ku xadgudbay qaranka sharaftii booliska, caayay oo aflagaadeeyay, qorigiisiina ku qabsaday muwaadin shaqadiisii gudanaya, ayuu intuu barbar dhigay yidhi, suxufi baa lagu gafay. Laba arrimood uun baan u arkay Xuuto hadalkiisa; in aanu arag fiidiyowga laga duubay dhacdadan oo warkii ay u soo sheegeen nimankii falkan sameeyay, uu ku go’aan qaatay oo aanu dhagaysan ba waxan meesha yaalay. Iyo in isagu intuu daawaday, arkay falka meesha ka dhacay, markaana si badheedh ah u difaacaaya nimankaa qaladka galay.”

SHARE
Article horeGuddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Ka Warbixiyey Kulan Uu La Qaatay Wefti Ka Socda Midawga Yurub
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here