Guddoomiyaha TELESOM Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hoggaanka ugu Wanaagsan ee Shirkadaha Teknoolajiyadda & Isgaadhsiinta Afrika Ee 2018

0
1

TELESOM Oo Ictiraaf Teknoolajiyadeed Usoo Hoysay Somaliland

CapeTown (Hubaal) Guddoomiyaha Telesom Cabdikariim Maxamed Iid ayaa ku guulaystay agaasimaha ugu saamaynta badan Qaaradda Afrika dhinaca teknoolajiyadda iyo isgaadhsiinta sannadka 2018.

Abaalmarintan oo loo yaqaano “AfricaCom Awards CXO of the Year” ayaa Cabdikariim Maxamed Iid lagu guddoonsiiyay magaaladda Cape Town ee waddanka Koonfur Afrika.

Waa Abaalmarin Caalami ah oo lagu muujiyo hoggaamiyayaasha ku guuleystay in ay horumar ku soo kordhiyeen Isgaadhsiinta & Teknoolajigga Afrika.

Xafladdan waxaa kasoo qayb galay 14,000 oo qof oo ka socday shirkaddaha isgaadhsiinta iyo teknoolajiyadda ee qaaradda Afrika.

Shirkadda Telesom ayaa lagu soo xushay saddexdan arrimood:

  1. Telesom waa shirkaddii ugu horreysay ee dunida ka hirgelisay adeega sarrifka lacagta mobilka (Mobile currency exchange platform)
  2. Telesom waa shirkaddii 5aad ee dunida ka hirgelisay adeega lacagta mobilka ee ZAAD.
  3. Telesom waxay kor u qaaday dhaqaalaha Somaliland isla markaana waxay bulshada usoo bandhigtay adeegyo casriga sida Cloud service iyo Vas (Value added service).

 

SHARE
Article horeIlayn Talo Isuma Kaa Sheegto Halkay Tuur Ka Leeday- [Q.2aad, Qalinkii X.X. Badmaax]
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here