Guddoomiyaha Telesom Oo Loo Xulay Abaalmarinta Tartanka Hoggaamiyaha Ugu Wanaagsan Shirkadaha Isgaadhsiinta & Teknoolajiyadda Afrika 2018

0
1

Hargeysa – (Hubaal) – Guddoomiyaha Shirkadda Telesom, Md. Cabdikariim Maxamed Iid, ayaa ka mid noqday hoggaamiyayaasha shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Teknoolajigga Afrika ee loo xulay in ay u tartamaan Abaalmarinta Caalamiga ah ee loo yaqaano “CXO of the Year” oo ah Abaalmarin Caalami ah oo lagu muujiyo hoggaamiyayaasha ku guuleystay in ay horumar ku soo kordhiyeen Isgaadhsiinta & Teknoolajigga Afrika.

Abaalmarintan oo lagu magacaabo “AfricaCom Awards” waxa sannadkasta lagu soo bandhigaa Shirweynaha Teknoolajigga ee “AfricaCom” oo lagu qabto South Afrika. Shirweynahaasi oo ah ka ugu ballaadhan ee lagu soo bandhigo Teknoolajiyadaha Casriga ah ee Kala duwan.

Hoggaamiyaha Shirkadda Telesom Somaliland waxyaabaha lagu xushay waxa ka mid ah in uu shirkadda uu mas’uulka ka yahay ku guulaysatay in ay door muhiim ah ka ciyaarto horumarka dhaqaalaha Somaliland, iyada oo Somaliland ka dhigtay waddankii shanaad ee si habsami ah uu uga hirgalo adeegga moobilka lacagta la isugu diro (ZAAD) iyo waddankii ugu horreeyey ee laga hirgeliyo adeegga sarrifka lacagta moobilka, taas oo isbeddel ballaadhan ku sameysay nolosha bulshada Somaliland. Adeegyada kale ee indhaha caalamka soo jiitay waxa ka mid ah adeegga Cloud-ka iyo adeegyada dheeraadka ah (VAS) oo uu AQOONMAAL ka mid yahay.

Haddaba waxaad awood u leedahay inaan u codayso xubnaha la soo xulay ee uu ku jiro Cabdikariin Maxamed Iid. Si aad u codayso booqo link-ga https://www.surveymonkey.com/r/africacom-cxo-ecxo-2018 ka dib xagga hoose waxaa kuu soo baxay liiska musharaxiinta oo Cabdikariin Maxamed Iid ku jiro dhex, battan riix, ka dib hoos u daadaga, ka dibna hoos u daadag, buuxi qodobka 3-aad, haddii aad doonto qodobadda kale ka sii hooseeya sax ka aad doonto, ka dib riix next, waxaa kuu soo baxaysa waad ku mahadsantay codayntaa oo ingiriisi ah, ka dibna OK ku dhufo, ka dibna riix DONE sidaasi ayaad ku codaysay.

SHARE
Article horeShirkadda Coco Cola Oo Shan Milyan Oo Doolar Wax Kaga Qabanaysa Biyaha Hargaysa
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here