Guddoomiyaha TELESOM oo Shalay Dalka Kusoo Guryo-noqday & Labeenta Bulshada Oo aan u kala hadhin Soo-dhawayntiisa

0
1

Masuuliyiintii Madaarka Kusoo dhawaysay oo Guddoomiye Cabdikariin M. Iid  ku bogaadisay Abaal-marinta Uu Ku Mutaystay  Hogaamiyaha ugu wanaagsan Isgaadhsiinta Afrika ee  AFRICACOM 2018

 

 

Hargeysa – (Hubaal) – Guddoomiyaha shirkadda Telesom Md. Cabdikariin Maxamed Iid ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey madaarka caalamiga ah ee CIGAAL ee magaaladda Hargeysa, guddoomiyaha ayaa ka soo laabtay munaasibad lagu abaal-mariyey inuu noqday Hogaamiyaha ugu wanaagsan Isgaadhsiinta Afrika ee Abaal-marinta AFRICACOM 2018 . Guddoomiyaha waxaa madaarka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan golayaasha qaranka Somaliland ee Wakiiladda, Guurtidda, Culimo-awdiin, madax-dhaqameed, hogaamiyaasha xisbiyada qaranka Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI,  guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, maayarka magaaladda Hargeysa, xubno ka mid ah saamilayda  iyo shaqaalaha shirkadda, ganacsato kala duwan iyo marti-sharaf kala oo tiro badan.

Masuuliyiinta ka soo qayb-galayaashii soo dhawaynta Guddoomiye Cabdikariin Maxamed Iid oo ka hadashay shir jaraa’id ka dhacay madaarka Cigaal ayaa guddoomiyaha Telesom ugu  hambalyeeyey guusha Somaliland iyo Shirkadda Telesom uga soo hooyatay hogaanka dhinaca isgaadhsiinta ee Afrika. Guddoomiyaha shirkadda Telesom Md. Cabdikariin ayaa isna dhankiisa waxaa uu u mahadnaqay dhamaan shacabka Somaliland, shaqaalaha shirkadda iyo cid kasta oo ka qayb-qaadatay guushiisa.

SHARE
Article horeMadaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Xadhigga ka Jaray Dhismeyaal Lagu Kordhiyey Cusbitaalka Ceerigaabo
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here