Guddoomiyaha WADDANI Oo Soo Bandhigay Gocashooyin uu Sheegey In Xilligii Ololaha Doorashada Ay uga Yimaadeen Madaxweyne Muuse Iyo Xisbiga KULMIYE

0
1

Guddoomiye Cirro Oo Gocday Gef  Uu Sheegay In Madaxweynuhu Ku Ololleeyey xilligii Kaambaynka Doorashada+Garawshiiyaha Ay Kasugayaan

“hunguriga xisbiga WADDANI kii hore waa ka weyn yahay, hawlaha inna hor yaallaana way ka weyn yihiin kuwii hore [Laakiin]……….Waxa Jirtay In Xilligii Ololaha Doorashada Madaxtooyada Lagu Jiray Ay Madaxweyne Muuse Iyo Xisbiga KULMIYE Aad Ugu Ololeeyeen……”

Hargeysa, (Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo shir jaraa’id ku qabtay shalay Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo ay kamid  yihiin  shirkii Brussels ee dalka Bilgumka ka dhacay, xaaladda Ceel Afweyn, Ergo dhawaan tagtey magaalada Garoowe. Cabdiraxmaan Cirro oo dhaliilo kala duwan u soo jeediyey xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaaa sidoo kale eedeeyey xubnaha komishanka doorashooyinka Somaliland, kuwaas oo uu imika iyo dhawr jeer oo ka horreeyeyba sheegay in isaga iyo xisbigiisu ay kalsoonidii kala noqdeen.  Shirka jaraaid ee Cabdiraxmaan Cirro oo markii uu qabtay shalay ay hareero taagnaayeen xubno ay  xoghayaha ku meelgaadhka ah iyo guddoomyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Mr. Khadar Xuseen Iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, waxaa sidoo kale uu Mr. Cirro kusoo qaaday gefaf uu sheegay in xukuumaddu ka gashay xisbigiisa kuwaasi oo aanay illaa hadda garawshiiyo ka bixin. “waxa jirtay in xilligii ololaha doorashada madaxtooyada lagu jiray ay madaxweyne Muuse iyo xisbiga KULMIYE aad ugu ololeeyeen ‘cirro iyo xisbiga WADDANI dalka laguma aamini karo’, hase yeeshee gefkaas ka dhacay KULMIYE iyo madaxweynaha maanta jooga anigu wadadii ay raaceen raaci maayo, waxaanse leeyahay ‘Muuse Biixi iyo KULMIYE Dalka waynu ku aaminay’ mana odhanayo Muuse Biixi Dalka lagu aamini maayo, lagumana aamini karo ee halaga qabto”. Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro. Geesta kale waxaa uu sheegay in hunguri ka weyn ay ka qabaan in xisbiga WADDANI talada dalka qabto “hunguriga xisbiga WADDANI ee talada dalku kii hore waa ka weyn yahay, rejada guushuna waa ka weyn tahay  kii hore, hawlaha inna hor yaallaana way ka weyn yihiin kii hore…..waxaa la yaable inaan komishanku kalsooni kala noqoshada xisbiga WADDANI waxba ka soo qaadin, hawshiina si caadi ah ay illaa hadda isaga sii wataan. Xisbigu waxa uu cadaynayaa inaanu waxba ka ogayn wixii uu sameeyey komishanku kadib 22-ka bisha saddexaad, sii wadashada hawsha komishankuna iyadoo uu ka maqan yahay xisbigii ugu weynaa ee mucaaridka ahaa  waa gef, waana meel ka dhac, waana sharci darro. Warsaxaafadeedkii kasoo baxay dhawan xarunta madaxtooyada waxa lagu sheegayin komishanku soo diyaariyey xeer ay xisbiyaduna qayb ka ahaayeen, laakiin waxaanu shacbiga u sheegaynaa  inan xisbiga WADDANI qayb ka ahayn xeerkan iyo wax kasta oo komshanku sameeyey kadib intii xisbigu kalsoonida kala noqday bishii saddexaad ee sanadkan” ayuu yidhi Mr. Cirro.

SHARE
Article horeDawladda Farmaajo Sheegtay Inay Ku Biirtay Suuqa Bariga Iyo Koofurta Afrika (COMESA)
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here