Guddoomiyaha Wakiillada & Wasiirka Daakhiliga Oo Miis Isugu Keennay Haldoorka Beello ku Diriray Koonfurta Sool

0
1

Laascaanood (Hubaal)- Weftigii uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Baashe  Maxamed Faarax iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed,  ayaa la kulmay  Guddidii dhex dhexaadinta labada ardaa ee walaalaha ah ee ay dirirtu ku dhex martay dhowaan  koonfurta gobolka Sool. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka hadlay shirkaas ayaa  sheegay in kulankani yahay shirkii  lagu qorshaynaayey ajandaha shirka Nabadaynta beelaha diriray  ee  ay colaadu ku dhex martay Koonfurta gobolka Sool, kaas oo furmi doona maalinta Sabtida ah toddobaadka dambe. Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland  Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in loo baahan yahay in labada beelood ay dib ugu noqdaan degaanadoodii  dadka degaankana u sheegaan in la heshiiyey, kuna guubaabiyaan adkaynta nabadgelyada. Weftiga Guddoomiye Baashe waxay   maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood, iyo cuqaasha gobolkaasba ay uga mahad celiyeen sidii ay ula shaqaynayaan, iyaga oo horena si wada jir ah u soo wada maray degaanno kala duwan oo gobolkaasi kamid ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here