Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Oo Shaaciyey Xilliga Lagu Dhawaaqayo Natiijadii Imtixaannaadka

0
1

Wuxuu sheegay in  Sanadkan Ay Ardaydii Ugu Badnayd U Fadhisteen Imtixaanka

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha xafiiska imtixaannaadka ee Somaliland Daa’uud Axmed Faarax ayaa ka waramay maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare, iyo tirada ardaydii u fadhiisan jirtay imtixaanka oo uu sheegay inay mar ahaayeen todobaatameeyo arday oo dalka oo dhan ahaa.

Guddoomiyaha xafiiska imtixaannaadka ee Somaliland Daa’uud Axmed Faarax waxa uu sheegay in sanadkan ardayda u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ee sanad-dugsiyeedka 2017/2018 ay noqonayso tiradii ugu badnayd abid ee imtixaanka shahaadiga u fahdiisata.

“afar iskuul baa beryihii ugu horreeyay imtixaanka gali jiray, tirada ardayda imtixaanka u fadhiisan jirtayna waxaan xusuustaa iyadoo mar ay ahayd dhawr iyo todobaatan, marna laba boqol ah iyo mar afar boqol ah. Marba iskuul iyo laba iskuul baa kusoo biirayay, tirada iskuulladu maanta waxay maraysaa boqol iyo waxoogaa oo imtixaanka u fadhiisatay, ardayda maanta soo baxaysaana waxay ku dhaw dhaw yihiin soddon kun oo arday (30,000) oo ah ardayda aanu gacanta ku hayno ee soo baxaysa sanadkan 2017/2018.”

Bulshada Somaliland, gaar ahaan ardaydii u fadhiisatay imtixaankan ayaa u dhago taagaya dhawaaqa natiijada imtixaanka oo sanadkan ay u fadhiisteen tiradii ugu badnayd abid ee u fadhiistay imtixaanka shahaadiga, sida uu sheegay guddoomiyaha xafiiska imtixaannaadka. “waxaan jecelahay inaan halkan ka sheego, imtixaanku inaanu nala dhaafayn ugu dambayn bisha shan iyo tobankeeda (15 Sept 2018) oo ah halka ugu dambeeya ee aanu nala dhaafayn.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha xafiiska imtixaannaadka ee Somaliland Daa’uud Axmed Faarax oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here