Guddoomiye CIRRO Oo Isku Soobax Ugu Baaqay Taageerayaasha WADDANI Ee Gobolka Maroodi-jeex

0
1

“Waxaan U Sheegayaa Taageerayaasha Xisbiga Ee Gobolka Maroodi-jeex,  Inay Berri [Maanta] 8-da Subaxnimo Isugu Yimaaddaan Xarunta Xisbiga”

Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Taageerayaasha Xisbigiisa ee Gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay inay Isniinta Berri isugu yimaaddaan Xarunta Xisbiga ee Hargeysa. Guddoomiye Cirro oo shalay Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in taageerayaashu marka ay isugu yimaaddaan xarunta Xisbiga loo sheegi doono Farriimo muhiim ah oo uu xusay in lagu bedbaadinayo Qaranka Somaliland. Cirro oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan u sheegayaa Taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Maroodi-jeex  inay Berri 8-da Subaxnimo isugu yimaaddaan Xarunta Xisbiga, si loogu sheego Farriimo muhiim ah oo Qarankan lagu bedbaadinayo..”

Guddoomiyaha WADDANI waxa kale oo uu ka jawaabay eedaymo uga yimid Madaxweynaha Somaliland, waxaanu sheegay in marka Madaxweynuhu uu Xisbiga WADDANI ku sheegayo inuu aamisan yahay Soomaali-weyn uu ula jeedo beel ka mid ah kuwa Somaliland, doonayana inuu Bulshada kala fogeeyo.

SHARE
Article horeMuuse Biixi: Soomaaliya Cunaha Ayay Haysaa Somaliland
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here