HUBAALMEDIA.COM
Guddoomiye Cirro Oo Quus Kala Hoyday Qorshe Uu Saq Dhexe Ula Guday Suld. Maxamed Suld. Cabdiqaadir Oo La Xidhiidha Shirkii Masallaha Ka Dhacay
July 11, 2016 - Written by Mustafe Faro

Suldaanka Guud Ee Beellaha Somaliland Oo Shalay Fashilliyey Dhagaro U Qarsoon Shirka Jimcihii Dhacay Iyo Fikradda Xubnaha Hagaya

“Dadka Meesha Isugu Yimi Qaar Xamar Bay Ka Yimaadeen Qaarna Gudahay Ku Jiraan Laakiin Dhammaantoodna Xisbiga WADDANI Bay Ka Tirsan Yihiin…. Waxa Loga Dan Leeyahay  Burburinta Iyo Baabi’inta Somaliland, Ninka Doonaya In Uu Colaad Cusub Abaabulana, Waxaanu Leennahay……”

suldaanka & cirro

 Hargeysa (Hubaal) –  Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi, ayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ku eedeeyey Abaabulka Shir la shaaciyey  inay Beelaha Garxajis yeelanayaan. Suldaan Maxamed oo Saxaafadda kula hadlay shalay magaallada   waxa uu sheegay in inaanu waxba ka ogeyn, isla markaana aanu isagu idmin qabashadiisa Shirkaas oo kulammo hordhac u ah ay Guddiyo Beelaha Garxajis is-ka dhex-magacaabeen ku yeesheen magaalada Hargeysa,. Suldaanu waxaa uu dowladda Somaliland iyo dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya uga digay maxsuulka shirkaas oo uu sheegay inujeeddadiisu tahay sidii colaad hor leh looga dhex abuuri lahaa Somaliland, isla markaana qas looga dhex abuuri lahaa shucuubta ku kala dhaqan dalalka Somaliland iyo kilinka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya.  Suldaan Maxamed Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in abaabulka shirkan oo uu qayb ka yahay  Xisbiga WADDANI ay qabanqaabadiisa iyo hirgelintiisa ka qayb-qaadanayaan Siyaasiyiin uu sheegay inay Soomaaliya ka yimaaddeen oo rabitaankoodu yahay duminta Somaliland sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Horta anigu waxaan ahay suldaankii guud ee beellaha Somaliland, anigoo title-kaas [xilkaas] haysta ku soo noqon maayo suldaan garxajis, waayo anigu reer walba iyo beel kasta oo  Somaliland ahba suldaan baan u ahay oo arrinkooda waan galaa”. sidaa ayuu yidhi Suldaan MAxamed, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlay shirka Hargeysa lagu qabtay “Sida la iclaamiyey shirkan lagu qabtay Hargeysa ee la yidhi suldaan Maxamed Baa noogu dhawaaqay, waxba kama jiraan, wax allaale iyo wax aan ka ogaa iyo wax aan kala socdaana ma jirto. Garxajis wuu ka ballaadhan yahay in makhsin qaado, laakiin shirkaasi wuxuu ahaa mid uu [Xisbiga] WADDANI Wado, sida aan filayana lagu abaabulayo colaad aan innaga fogayn, waxaana jira dad xog ogaal ah oo arrintaas xogteeda oo dhamaystiran haya. Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiyana waxaan leeyahay arrintaas [shirka] xaqiiqadeeda waad haysaan, shirkaasina waxaa uu ahaa mid loogu talo galay in dagaal cad lagu bilaabo, kolkaas waxaan leeyahay annaga iyo dadka dawlad deegaanka Itoobiya waxaanu nahay kuwo nabad ku wada nool, ciddii xumaan dhex gelinaysana waxaa muhiim ah inaanu gacan bir ah iskaga qabano”.

“Anigu Shirkaasi markii uu socday Boorama ayaan joogayoo reer Boorama ayaan la soo iidayay, markaan magaallada Soo galayna waan maqlay warka….dadka meesha isugu yimi ee la ii sheegayaana qaar Xamar bay ka yimaadeen qaarna gudahay ku jiraan laakiin waxa oo dhan markaad isu geyso dhammaantood xisbiga WADDANI bay ka tirsan yihiin, arrintaasna saaka ninka donaya in uu colaad cusub abaabulo. Waxaana looga dan leeyahay  meeshuna waa burburinta Somaliland iyo inay baaba’do, oo dawladdaas federaalka [Soomaaliya] ragga innagaga yimi ayaa doonaya sidii ay Somaliland u burburin lahaayeen, annaguna  waxaanu leennahay [dhibaato] intii hore noo soo gaadhay baa nagaga filan, ninka doonaya in uu colaad cusub abaabulana ka  yeelli mayno.”. ayuu hadalkiisa ku ladhay suldaanku.  Sidoo kale  waxaa uu farriin u diray shacbiga reer Somaliland oo uu ugu baaqay in ay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah qadiyadooda ee jira. Sidoo kale waxaa uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo DDS waxaanu yidhi “ Xidhiidhka aynu la leennahay dawlad deegaanka Soomaalida waa in nin waliba uu dhinaciisa uga guntadaa, wax alla wixii dhibaato wadana qarin meyno ee gacanta ayaanu iskaga soo qabanaynaa”.

Gebogabadii waxaaa uu farriin u diray cid kasta oo  magaciisa u adeegsatay qabanqaabada shirkan “Ragga ku fadallo cadcad [ee ku doodaya] Suldaan Maxamed Baa na siiyey amarka, waxaan leeyahay anigu cidna amar ma siiyo, shir Garxajisna ma odhan karo qabta,  ee beel waliba iyada ayaa xor u ah waxa ay qabsanayso. Laakiin anigu haddaan wax qabanayo shir Somaliland oo dhan ah baan qabanayaa, waana iga xaaraan inaan shir qabiil ku baaqaa. Ummadana waxaan u sheegayaa in aanay dhegta u dhigin wararka nooocaas oo kale ah oo ay dantooda iyo horumarkooda ku foofaan, cadawga Somaliland-na ka gudaha ayaa innoogu xun ee ay isagana u fiiro yeeshaan. Dawladana waxaanu leennahay tallaabo sharciga waafaqsan inay ka qaado nimanka leh waxaaanu nahay siyaasiyiin ee waxa ay siyaasadda ku waayeen kula soo mashquulaya burburinta Somaliland ”. ayuu hadalkiisa ku soo xidhay suldaanku.

Geesta kale  Guddoomiyaha  golaha wakiillada ahna guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa la weriyey in uu hungo madhan kala soo laabtay  meel marinta qorshe uu ku  maslaxanayay Suldaanka guud ee beellaha Somaliland kaasi oo uu doonayay in uu ku qanciyo taageerida shirka ay Axmed Mire iyo Ismaaciil Buubaa ku baaqeen qabanqaabadiisa ee Garxajis. Guddoomiye Cirro oo habeen hore saqdii dhexe abbaaro 1:00 habeennimo gurigiisa ugu tegey suldaanka ayaa Si uu ugu qanciyo in uu garab istaago shirkan uu xisbigiisu dabada ka riixayo ee loogu magac daray Midnimada Garxajis ayaa warar sugan oo uu xalay wargeyska HUBAAL ka helayo goob-joogeyaal u dhuun daloolla  u xaqiijiyeen in uu kala kulmay hungo kadib markii uu Suldaanku si adag ganafka ugu dhuftay qorshaha uu Wato guddoomiyaha WADDANI iyo biyo dhaca shirka ay ku baaqeen siyaasiyiintani. Warku waxaa uu intaa ku daray in guddoomiyuhu quus iyo rejo xumo kala soo hulleeyey aqalka suldaanka isla subaxnimadii shalayna u ambobaxay safar uu ugu kicitamay xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo oo maalinta arbacada ah ee soo socota la filayo in daah furka diiwaangelinta codbixinta doorashooyinku ka qabsoonto.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews