Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga KULMIYE Oo Sheegay In Xilkii Laga Qaaday Guddoomiyihii Golaha Dhexe Ee Xisbigaas

0
1

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga talada haya ee Kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen Dheere, ayaa maanta waxa uu sheegay in guddiga fulinta ee Xisbiga kulmiye uu xilkii guddoomiyenimada golaha dhexe iyo kii xubinnimada golahaas laga qaaday Jaamac Ismaaciil Cige oo ahaa guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee Kulmiye, kadib markii golahaasi uu fadhi ku yeeshay xarunta dhexe ee xisbigaasi uu kulleyahay magaalada Hargaysa.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen Dheere, ayaa sababta xilka qaadistaan ku sheegay in guddoomiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) uu ka horyimid siyaasadda iyo xeerka xisbiga, isagoo ku kacay abaabul iyo kicin kadhan ah siyaasadda xisbiga iyo xukuumadda uu katirsan yahay, wuxuuna sheegay in marar badan uu adeegsaday warbaahinta oo uu eedaymo usoo jeediyey xukuumadda iyo xisbigaba.

Dhinaca kalena Jaamac Ismaaciil Cige waxa uu BBC-da u sheegay in xilka qaadistiisu aanay sharci ahayn iyo in jagada guddoomiye ku xigeenka labaaad ee xisbiga Kulmiye ay bannaan tahay oo aan wali la dooran xisbiguna aanu ansixinba Axmed Cabdi Dheere, sidaas darteedna aanu sharci u lahayn in uu isugu yeedho xubnaha gudiga fulinta oo isla mar ahaantaasna ay go’aanno qaataan.

Jaamac Shabeel wuxuu kaloo intaas kudaray in golaha dhexe uu yahay hay’dda ugu sarraysa ee xisbiga oo uu ka sarreeyo guddiga fulinta isla mar ahaantaas ay isaga soo doorteen golohaasi, sidaas darteedna xilka qaadistiisu aanay ahayn mid sharciga waafaqsan uuna gadaal ka sheegi doono faahfaahinta arrintan la xidhiidha.

SHARE
Article horeFaaruqiinta Faysbuugga Iyo Fidinta Xumaanta W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here