Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo Uga Mahadceliyey Madaxweynaha Bixinta Dhulka Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-Jeex

0
1

Hargeysa- (Hubaal) Gudoomiyaha Maxkamada Sare Prof Aadan X Cali Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi bixinta dhulka Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex oo u ka qeybgalay dhagax dhigeeda.  Masuuliyiin kala duwan oo ka kooban qeybaha Garsoorka dalka ee  ka qeybgalay munaasibada dhagax dhiga dhismaha cusb ee Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-Jeex oo hadalo kala duwan ka jeediyey ayaa sheegay inay hawlahii Garsoorku kala fududaan doonto marka uu dhamaado dhismahan, waxaana hadaladoodii ka mid ahaa,

“Maanta waxaynu joogtaa goob dhismahii cusbaa ee Maxkamada Rafcaanka Gobolka Maroodi-Jeex yeelan doonto, oo Gudoomiyaha Maxkamada Sare inoo dhagax dhigi doono, waa baahi Gobolku tebayey, waxaanu tusaale u yahay horumarka ka socda bahda Garsoorka.” Ayuu sheegay masuul goobta ka hadlay.

“Waxaanu dhagax dhigaynaa dhismahii Maxkamada Racfaanka, oo muujinaysa shaqada wacan ee garsoorku qabtay, oo wax badan ku kordhinaysa adeega caddaaladda,” ayuu raaciyey.

Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Md. Cabdirashiid Beergeel oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Gudoomiyaha Maxkamada Sare isbedel balaadhan ku sameeyey horumarinta shaqada Garsoorka, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa,

“Gudoomiyaha Maxkamada Sare waxuu isbedel badan ku sameeyey dhamaan aqoonta garsoorka, dhiig ayuu ku shubay, aqoon ayuu ku shubay, tababaro heer Jaamacadeed ilaa Master, markii ay dhamaadeen dib-u-habayntii garsoorayaashu, marlabaad waa in goobahii ay dadweynaha ugu adeegayeen loo dhiso. Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-Jeex waxay ahayd marti ilaa dawladii Siyaad Barre.” Ayuu yidhi.

Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex oo kulankaa ka hadlay ayaa sheegay inay u tahay farxad goob-joog inuu u noqdo dhismahan, waxaanu yidhi,

“Maanta farxad ayey ii tahay inaan goob-joog u noqdo dhismaha cusub ee loo dhisayo Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, taasoo muddo aad u fara badan Maxkamada rafcaanku dulsaar ku ahayd maxkamadaha gobolka, hadday tahay heer degmo iyo gobolba.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare, ahna Gudoomiyaha Guddiga Caddaaladda, iyo Gudoomiyaha Maxkamada Dastuurka Prof Aadan X Cali Axmed oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi,

“Maxkamadii Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex oo saddex weji loo dhisayo, ayeynu wejigii koowaad manta dhagax dhigaynaa, wejiyada kale way ku xigi doonaan, waxaan doonaynaa inuu dhulkan balaadhan noqdo meel doog ah oo midhahii laga guranayey leh, xafiisyadii leh. Waxay hawshani qeyb ka tahay dib-u-habaynta baaxada leh eek u socota Garsoorka, iyadoo maalin dhoweyn aanu soo furnay Maxkamadihii Gobolka Saaxil oo dib-u-habayn balaadhan lagu sameeyey. Maxkamada Gobolka Saaxil oo Gudoomiyaha Gobolku fadhiisan jirayna uu meel kala u guuray.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Prof Aadan ayaa sheegay inaanu jirin jirin dhaqaale meel kale ka soo galay, isagoo yidhi,

“Dhaqaale meel kale naga soo galay ma jiro, ee iskaa-wax-u-qabso, dedaal, aduunyadoo lala hadlo iyo Miisaaniyada JSL waxii laga heli karo ayaan xooga saarnay, dib-u-habaynta ayey ka mid tahay, waayo meesha caddaalada lagu naqayo waa inay qurux badnaato. Muhiimada labaad ee dhismahan keentay waa baahidii loo qabay oo xoog ah, oo adeega dadka garsoorka u imanaya ayaa sare u kacay, isbedelada garsoorka lagu samaynayo ayey ka mid tahay.

“Waxaan aad ugu mahadcelinaynaa Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi oo bixiyey dhulkan, oo halgan weyn aanu u soo galnay. Waxaan kaloo uga mahadcelinaynaa oo dhulkan wejiga hore dhisaysa hay’ada UNOPS oo dhaqaalahan bixinaysa, muddo dheerna aanu isla wadnay. Sidoo kale Eng A-ladii oo hay’adaa ka tirsan oo dedaal badan ku bixiyey. Waxqabadkani ma noqon doono kii u dambeeyey, hadii Ilaah yidhaahdo wax badan oo dambe ayaan qaban doonaa.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Maxkamada sare.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here