Gudoomiye Cirro Oo Soo Jeediyay In Doorashadu Qabsoonto Dec.2015, Jawaabna Ka Bixiyay Khudbadii Madaxweynaha

0
15

“Xukuumadu Ciddiyahay Ku Dagaalantay Sidii Doorashadu Dib Ugu Dhici Lahayd”

“Mudadii Xukuumada Kulmiye Xukunka Haysay Somaliland Waxay lumisay Saaxiibo Fara Badan”

“Doorashadu isku isku riix-riix ma geli karto, sidaas darteed…….”

Hargeysa, (Hubaal)-Gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa shalay khudbad uu ka jeediyay shirwayne qaran oo haweenka xisbigaasi ku doorteen hogaan cusub, kaga hadlay arrimo door ah oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo mandaqadaba.

 haween

Gudoomiye Cirro wuxuu khudbadiisa ku taataabtay, siyaasada xisbigiisa ee dhinaca lamaanaha, siyaasadda arrimaha dibada ee xukuumadda talada haysa, dibu dhaca doorashooyinka cidda ka masuul ah, sicir bararka maceeshada iyo nolosha bulshada, khudbadii madaxweynaha oo uu ku tilmaamay mid wayd ah iyo qodobo kale oo la bah ah.khudbadaasina waxay u dhignayd sidan;

 “Mabaadiidda Guud

Mabaadiidda Guud ee Xisbiga WADDANI u taagan yahay waxaa ka mid ah

Xisbiga Waddani waxaa uu u taagan yahay sugitaanka xuquuqda qaybaha bulshada dulman, isaga oo tixgalin dheeraad ah siinaya haweenka, dhalinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada.

Xisbiga Waddani waxa ka reeban waxii wax u dhimaaya midnimada dalka, dhamaansha dhul ahaaneed ee jamhuuriyada Somaliland iyo nabad galyada guud.

Xisbiga Waddani waxaa uu u taagan yahay ku-dhaqanka qaynuunka, cadaalada, sinaanshaha, xoriyada iyo wadaniyada.

Xisbiga Waddani waxaa uu u taagan yahay dheeli tirnaanta horumarka gobalada iyo u-sinaanta muwaadiniinta ee khayraadka dalka.

Xisbiga Waddani, waxaa uu taabo galinayaa in uu taageerayaashiisa baro tartanka doorashooyinka xorta ah iyo ku dhaqanka habka dimuqraadiyada.

Haweenka

Xisbiga Waddani, waxaa uu aaminsan yahay in haweenku yihiin laf dhabarta umaddeena

In horumarka qaranka Somaliland noqon doonin mid hana qaada oo aan dhamaystirmin illaa inta ay haweenku ku yeelanayaan door muhiim ah.

Dumarka Somaliland waa wax-san dhala, Waxaana aan tusaale u soo qaadan karaa nimankii tiirarka dawladnimo u taagay Somaliland ee uu ka mid yahay Marxuum Cigaal AHUN iyo geesiyaashii Somaliland, waxaa dhalay hooyooyin Somaliland ah.

In qarankeenu u baahan yahay in haweenku qayb libaax leh ka qaataan arrimaha dhaqaalaha, siyaasada iyo arrimaha bulshada.

Abuuri taanka garab haween oo siyaasada xisbiga iyo horumarinta haweenka fuliya, taas maanta ayey inoo suurta gashay, waana xisbigii ugu horeeyey ee shir heer qaran ah haweenka Somaliland u qabta, garabka haweenkuna waxaa uu kaalin wayn ku yeelan doona talada iyo go’aamada xisbiga .

Xisbigu waxaa uu curinayaa xeer ilaaliya sharaftai yo xuquuqda haweenka in iyo in la meel mariyo dhamaanba qorshe-yaasha caalamiga ah ee taageerida dumarka iyo doorka maamul iyo horumarineed.

Xisbigu waxaa uu hirgalinayaa ugu yaraan 20% in haweenku ku yeeshaan hay’addaha dawlada.

Xisbiga Waddani, waxaa uu abuurayaa saamiga dumarka(Kooto). Waddani waxaa uu soo bandhigayaa 20% kooto ah aqalka golaha Wakiilada Somaliland (Waa 16 Kursi oo loo xidho), iyo goleyaasha deegaanka

Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiilada

Qodobka ugu muhiimsanaa ee shacbigu ka sugaayey khudbad-sanadeedkii madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ka hor akhriyey 28.March.2015, waxuu ahaa doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada.

Muxuu ka yidhi madaxweynahu arrinta doorashooyinka?.

Markaan nuxurka koobo, waxaa uu yidhi:

Waxaa ka soo baxay komishanka doorashooyinka qaranka hindise ay ka muuqato in doorashooyinku ay wakhtigoodii dhaafayaan.

Hawlaha naga’ga aadanaa doorashooyinka waan fuliyey.

Waxaa muuqata in dib-u-dhac jiro waxaan leeyahay. “Nin reer u wayni sida uu wax u ogyahay uma wada sheego, cida eeda yeelataa way soo bixi doonta.”.

Dhamaan dhinacyada ay arrintani khusayso oo dhami (Mucaarad iyo Muxaafad), waxaan u soo jeedinayaa in aynu wada-tashi iyo walaaltinimo aynu ku dhamaysanayno arrimaheena innaga oo sharcig ixtiraamayna.

Intaasi jawaab umay ahayn shacbigii madaxweynaha sida wayn khudbadiisa ugu dheg taagayey.

Arrinta doorashooyinku, waa arrin distooiri ah oo sharci ah, Madaxweynaha ayaa ka mas’uul ah illaalinta shaciga ah iyo dastuurka, waxaad moodaa in madaxweynahu cid kale farta ku fiiqayo, arrinta qabashada iyo dib-u-dhaca doorashada, doorashadu isku isku riix-riix ma geli karto, sidaas darteed waxaan soo jeedinayaa in madaxweynahu u magacaabo gudi xaqiiqo raadin ah oo madax banaan, arrintaana baadha natiijadeeda, shacbigana u soo bandhiga.

Waxaan ka warqabnaa in xukuumadu ay cidiyaha ku dagaalantay sidii ay doorashooyinku ay dib ugu dhici lahaayeen.

Arrinta talada qaran waan soo dhawaynayaa laakiin madaxweynahu talo soo jeedin qudha ayaa uu sheegay, waxaa se looga baahan yahay in isagu isagu yeedho axsaabta qaranka iyo daneeyayaasha doorashooyinka sidii dhaqanka ahaan jirtay.

Gudida doorashooyinka qaranka waxaa looga baahan yahay in ay ku dhawaaqaan wakhtiga doorashooyinka si aan daahis lahayn.(Ha waydo geed ay ku xoqatee). Waxaan soo jeedinayaa in doorashooyinku qabsoomaan Dec.2015.

Arrimaha dibadda

Guud ahaan shacbigu waxaa uu qawad-san-yahay siyaasada arrimaha dibadda xukuumada Somaliland. Mudadii ay xukuumada Kulmiye ay xukunka haysay, waxaa ay Somaliland lumisay saaxiibo fara badan, waxaana ka mid ahaa All Party, mudanayaal ka tirsan baalamaanka UK oo u ololeyn jiray Somaliland.

Wada-hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya, waxaa uu madaxweynahu ka sheegay.

“Nasiib darro wada-hadaladaasi ma’ hano qaadin mana noqon wax midho dhala, waxaana u sabab ah ka dib markii madaxda Soomaaliya ka baxeen dhamaan heshiisyadaa kor ku xusan.”.

Madaxweynahu shacbigiisa iyo golayaasha uma sheegin halka looga dhaqaaqayo haddii wada-hadaladii ay ma’dhalays noqdeen.

Sixir Bararka Iyo Maciishada

Iyada oo aynu ka war qabno halka maciishada iyo sixir bararku maraayo, waxaa uu shacbigu ka filaayey in madaxweynahu ka hadlo arrimaha nolashooda sida tooska ah u taabanaya ee sida aynu ognahayba ay ka mid tahay sixir bararka iyo maciishada daruuriga ah oo aad kor ugu kacaaya isla markaana aadka u wax-yeelaysay nolosha qoysaska danyarta ah hase-yeeshee madaxweynahu ma soo qaadin.

Dagaalka Yamen

Waxaanu taageeraynaa mawqifka shirkii jaamacada carabta Sharmal-Shiikh ee xulafada khaliijka ee ay taageereen dawladaha kale ee Gobalka iyo kuwa caalamkuba kaas oo lagu doonayo in aakhirka miiska wada-hadalada lagu gaadho xalka.

Yamen , waxaa aynu nahay laba dal oo deris ah, waxaa naga dhaxeeya is-dhex gal dheer iyo baayac mushtar taariikh dheer salka ku haya oo maantana socda sida oo kalena aanu jecel nahay in uu sii socdo”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here