HUBAALMEDIA.COM
Gurrac: Sheeko Isku Rogtay Tix Maanso Ah Oo Uu Curiyay Xamse Cabdiraxmaan Khayre
September 30, 2016 - Written by Editor-in-chief Hassan-Keefkeef

FG: Abwaan ma ahi. Waxaan filayaa inay I godlisay (Haddiiba godol jiro) dhacdada ugubka ah ee buuga lagu gubay magaalada Hargeysa ee sida wayn loo qoray iyo malaha buugaa magaciisa ayuun baan warbaahinta kala duwan iyo asxaab ka hadlaysa oo ka doodaysa la kulmay. Dabadeena Gidaarkayga Foolgaradka (Facebook) ayaan ku qoray 14 tuduc ee hore.

Waxa qoray oo Curiyay Xamse Craxmaan Khayre, 9/30/2016. hamse.khaire@gmail.com

>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>> 

xamse-kheyreWaxaan taagan nahay halka goolada ah labadda wadda ee sayladda iyo ta garoonka caalamiga diyaaradaha ee Cigaal ku kala baydhaan, waana isla halka  dayrka Dugsiga  Sare Maxamuud Axmed Cali dayrkiisu ka bilaabmo,. Baabuurta taagan ee taraafikadu kala horayso ka sakow,waxaa jira dad iyaguna meesha ku buuqsan. Dadku waxay ku soo xoomeen oo ay ku urursan yihiin 19 nuqul oo ka mid ah buug dhawaan soo baxay oo la yidhaa “Gurrac” oo qoray Mudane Khadar Cabdi Cabdilaahi.  Ardayda, Macalimiinta iyo dadwaynaha urursan waxaa  weheliya dhir meesha buugta lagu gubayo ku taal oo iyadu wada hadlaysa oo ka xun buuga la gubayo.  Iyadoo anigu si gaar ah aan u xiisaynayo ayuu sheekadda dhirta  ayu  geed Galool ah oo saarnaa gaadhi xamuul Dhige-dheere ahaa taraafigu hakiyay. Haa  geed Galool ah baa gaadhi saarnaa!  laakiin isagoo dhuxul laga soo dhigay oo jawaano ku jira weeyi.

Galoolkaa dhuxusha ahi wuxuu ku biiray dooddii dhirta iyadu meesha ku taalay oo garan-waaa ka mid yahay. Wuxuu leeyahay baha-dhireedeey, oo waliba garan-waa iyo gundhocooy ma iyadoo agtiina ay taalo dhuxul oo anigaygan la igu sii wada suuqa dhuxusha si mar labaad la ii shito  ayaad buug la gubay  u  garowdeen. Way idiin gaadhay buu ku leeyahay. Wuxuu ku sii darayaa in xaashiyaha iyo jaldhiga buuga laftiisu markii hore laga sameeyay geedka gobka la yidhaa iyo dhir kale.

Galoolkaasi isaga oo aan dhamayn garnaqsigiisii, garan-waa, gucundho, miraa-miri, baxarasaaf iyo xayaabna aanay jawaab soo celin balse yaaban yihiin ayuu askari taraafikada ahi ku qayliyay dirawalkii gaadhiga galoolku saarnaa. Xawaare aad ah ayaanu ku dhaqaaqay inkasta oo Galool hadalkiisii sii watay wuu fogaaday. Waxa keliya een maqlayayna wuxuun buu ahaa guux aanan garan Karin !. Intaa wixii ka dambeeyay, waxa ka warami cid dhuxusha gaadhiga la saarnayd. Adiga ahaayaana mooyi?

Dhinaca kale buugga maan akhriyin. Maansadan Gurracna waxay ku salaysan tahay sheeko kale oo gurrac ah oo dhacdada buugga la baxay Gurrac ee la gubayay ka barbar dhacday (dhab uma dhicin balse waa khiyaal) balse aan indhaheenu ka gadaaman yihiin. Iyaddoo Gurrac ah oo deegaankii xaalufisay bay Gurrac gubaysaa……….. Waa wadda gurrac.

FG: Abwaan ma ahi. Waxaan filayaa inay I godlisay (Haddiiba godol jiro) dhacdada ugubka ah ee buuga lagu gubay magaalada Hargeysa ee sida wayn loo qoray iyo malaha buugaa magaciisa ayuun baan warbaahinta kala duwan iyo asxaab ka hadlaysa oo ka doodaysa la kulmay. Dabadeena Gidaarkayga Foolgaradka (Facebook) ayaan ku qoray 14 tuduc ee hore.

Guuleed Axmed Axmed Cumar ayaa igu dhiirigeliyay inaan ka dhigo maanso dhamaystiran. Wuxu yidhi waad karaysaa, waan isku dayay isna wuu ila tiir-tiiriyay madaama uu iga abwaansan yahay.

 Wuxuu Yidhi:

  1. Garan-waa dooday baa yidhi
  2. Gudin aan ku jirn baa
  3. Anigaba igu garaacdaan
  4. Gurrac toos ah baan jira
  5. Guray midiga baa jira
  6. Guur furid ah baa jira
  7. Gefaf caadiyaa jira
  8. Gabadho wiilalaa jira
  9. Wiil gabadha baa jira
  10. Iyagoo isu gaysan baa jira
  11. Gadh bidaar ah baa jira
  12. Gubitaanku waa maxay?
  13. Goormaad jabteenoo
  14. Ka go’deen aqoontii?
  1. Galool baa ku soo baxay
  2. Markaa gaadhi saarnaa
  3. Doodiina soo gaadh
  4. Waxse aanu wali garan
  5. Sheekadan gurracanee
  6. Buugga loo goleeyee
  7. Laga wada garaabee
  8. Dhamiba bah geedii
  9. Ka gar-naqayso idilkeed
  10. Gadaashoodna ay taal
  11. Dhuxushii la soo gubay
  12. Garan-waa buu weerary
  13. Wuxu yidhi garaad li’id
  14. Ma adaa lagu gumaadaa?
  15. Gudinteed is aragteen?
  16. Gunta wali ma lagu jaray?
  17. Moofo intay ku galiyeen?
  18. Suuq may ku geeyeen?
  19. Gini may ku siisteen?
  20. Girgire may ku saareen?
  21. Anaa gaari la igu yahay
  22. Anaa geesi la igu yahay
  23. Gasiinkaan u kariyaa
  24. Gaajadaan ka bi’iyaa
  25. Iimana garaabaan
  1. Galabtana warkiinani
  2. Ka gun dheer intaase
  3. Garashaad se hadasheen
  4. Buugani halkuu galo
  5. Aan idiin gardaadshee
  6. Gunta weedhahaygaa
  7. Isaguba guyaal hore
  8. Gob la soo gumeeyoo
  9. Ged kaleeto loo dhigay
  10. Gidigiisu weeyaan.
  1. Gumareey nasiibkaa
  2. Kol haddii guban ilaa hawd
  3. Geyigii bilnaan jiray
  4. Garan-waa u mudanyoo
  5. Dhirta inan gumeedkiyo
  6. Goosan kelidii nooliyo
  7. Gucundh iyo xayaabiyo
  8. In kale guraangari
  9. Gedahaaga joogaan.
  1. Isagoo gunteediyo
  2. Wali gaadhin sheekada
  3. Halka ay ku gobo tidhi
  4. Ayuu Geelihii waday
  5. Dhuftay gaadhigiiyoo
  6. La galbaday warkiisii
  7. Guux buu se sii waday.
  8. Hadalkiina muu gu’in.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews