HUBAALMEDIA.COM
Guur-dambayskii Mucamar Al-qadaafi Oo Xabsiga Laga Sii Daayay Xilli Uu reer Galbeedka Ugu Suntan Yahay Wejiga Keliya Ee Nidaamkii Aabihii Ka Dhadhay
June 11, 2017 - Written by Mustafe Faro

Saif al-Islam Qaddafi Inkastoo Mucaaridkiisu Badan Yahay Haddana Wuxuu Gudaha Liibiya Ka Haystaa Taageero Suurto-gelin Karta Isku-day Siyaasaddeed Oo Ku Wajahan Wadankiisa

_96436382_3d444287-cc2d-46b0-a47f-3f484e1a653a

 Zintan (Hubaal/BBC) – Wiilka ugu yar wiilasha uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya Macamar Al-Qadafi ayaa la sheegay in xabsiga laga sii daayay. Koox maamusha gacan ku heynta magaalada Zintan ee galbeedka dalka Libya ayaa waxaa ay shegeen inay sii dayeen Seif Al-Islam, oo ay cafiyeen. Seif al-Islam ayaa muddo dhan 6 sanno ku jiray xabsiga ku yaala dalka Liibiya kaddib markii xilka laga tuuray aabihii sannadkii 2011-ka. Waxaana jiray warar hore oo sheegayay in la sii daayay Seif al-Islam balse markii dambe been noqday. Siideynta Saif al Islam Qadaafi ayaa waxaa ay dalka Liibiya kusoo kordhin karta xaalad kale oo kala qeybsanaan ah. Saif Al- Islam Qadaafi ayaa xabsiga la dhigay bishii novermber ee sanadkii 2012-ka xilii uu u baxsanayay dalka Niger, waxaana uu soo muuqday isaga oo ka go’an dhowr farood. Sanadki 2015-kii maxkmaad ku taala magaalada Tripoli ayaa ku xukuntay dil sababa la xidhiidha falal dambiyeedyo uu ka geystay dalkaasi xiligii uu socday kacdoonkii ka dhanka ahaa aabihii. Saif al-Islam ayaa wali waxaa doondoonaya maxkamada dambiyada caalamiga ee Hague, waxaana loo heystaa dambiyo dagaal, iyo kuwa ka dhan ah bani’aadanimada. Sidaa ay sheegayaan warar aan la xaqiijin Sayf al- Islam ayaa haatan kula sugan ehaldiisa magaalada Bayda ee ku taala bariga Liibiya. Saif Gadaffi ayaa wadamada reer galbeedka looga arkaa wajiga kaliya ee ka hadhay nidaamki Qadaafi. Iyadoo gudaha iyo dibadda Liibiya ay dad badan u muujinayaan naceyb, ayaa hadana waxaa uu xoogaa taageero ka heystaa gudaha Libya, waxaana suuragal ah in uu isku dayo in uu kusoo laabto siyaasada cakiran ee wadanka Liibiya.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews