Haamaha Shidaalka – Tusbax Furtay dheh! (Pandora’s Box)

0
1

W/Q: C/raxman Caydiid

 

ASC. Haamaha kaydka Shiidaalka ee Berbera waxaa Xukuumaddii hore ee Kulmiye ee uu M/weynaha ka ahaa Mudane Axmed Siilaanyo ku wareejisay Shariikado Shicib ah. Waagaas dagaal baa ka dhexqarxay  Golaha wakiillada oo isagu diiday mashruucaas, hase yeeshee  Xukuumaddu Digreeto M/weyne ayay ku hirgelisay sidii baanu ku dhaqan galay. Dhowaaan waxa soo baxay in shiidaal tayadiisu liidato (sub-standard) in haamaha lagu shubay kaas oo galaaaftay hantida shacab badan oo baabuurtoodii ku ciladoobeen, kuwo badanina fadhiistnen. Arintaasi waxay soo kicisay Baalamaanka oo awalba mashruucan lala barbar maray daan-jiriidka ku hahay, waxaana mashruuc (motion) lagula soo noqonayo haamaha oo dib loogu celinaayo Wassaaradda Gacansiga la horkeenay Golaha Wakiilada todobaadkan gudihiisa. Kaas oo ka doodi doona dhowaana laga yaabo inuu go’aan kasoo saaro. Waxaa intaas dheer in ganaax la saaray shariikadii keentay shiidaalka liita ee tayadiisu hoosayay, inkasto aan la qeexin sida ganaaxaasi lacagta laga dhaliyo ay u gaadhilahayd dadkii gaadiidkooda waxyeeladu ka soo gaadhay.

Haamaha Shiidaalka oo dawladdu lasoo noqotaa xal ma u yahay dhibaatada ay keentay ama keeni karto Haamaha la shicibeeyay (privatize gareeyay)?

Su’aashaas intaynaan ka jawaabin waxa muhim ah in aynu isla bayaamino, tiirarka xukaamadi ay xukuumad ku tahay, oo haddii la waayo ama qaar la waayo ay noqonayso magac-u-yaal ama mid kala dhiman. Tiirarkaas waxaynu kusoo koobi karnaa shan tiir. Midda koowaad waxa weeye (a) in Xukummaddu Gananta si buuxda ugu hayso oo aan lala wadaagin arimaha amniga (gudaha iyo dibaddaba), ta labaad waxa weeye (b) in Xukummaddu ay iyadu keligeed maamusho arimaha ku saabsan ama la xidhiidha lacagta qaranka, isla markaana waxyaabihii u suuragelinaayay inay doorkaas ciyaarto ay gacanteeda ku wada jiraan. Midda saddexaad waxa weeye (c) In Xukuumaddu maamusho oo gacanta ku hayso Dekadaha, Madaarada iyo dhammaan meelaha wadanka laga baxo ama laga soo galo. Midda Afraad waxa weeye (d) in Xukuumaddu Gacanta ku hayso arimaha tamarta iyo Shiidaalka, hadday noqoto kaydintiisa, soo saaristiisa iyo iibgeytiisaba. Midda shannaad ee ugu dambysaana waxa weeye (e) in ay xukuumaddu leedahay awooda tasarufka iyo qayb ahaan haysashada dhulka iyo maamulkiisa.

Haddaba, aan isku dayo Su’aasha jawaabteeda. Runtii aniga siday iila muuqato Haamaha oo lala soo wareegaa, arinta boqolkiiba boqol furdaamin mayso, waana xal kala dhiman (partial solution). Oo waayo? Dee waayadeed, waabay iska caddahay e.

Aan dhinac kale ka yar istaagno. Markii haamaha la wareejay, ee shariikado gaara la siiyay waxa bilaabmay tartan shariikado iyo maalqabeeno muwaadiniin ahi ay ku dhisanayaan Haamo Kayd Shiidaal oo iyaga u gaar ah. Tiraba intaan maqlayay waxaan filayaa inay afar hadda marayaan, hadaanay kaba badnayn. Kuwo kalena waa soo socdaan baa la leeyahay, dad kale oo ku hamiyayana waa jiri karaan inay Haamo mustaqbalka dhistaan. Ka sekow cidhiidhiga, iyo khatarta ay ku hayaan tartanka noocaas ahi aaga kaydka haamaha loogu talo galay iyo nabadgelyada magaalada iyo dekadda, dhinaca kale waa tusbax furtay (Pandora’s Box) oo aan lasoo loodin karayn, tartankaasina wuu iska sii socon doonaa, haddaan xal qaran laga gaadhin.

Su’aasha kale waxa weeye, ee aan Baarlamaanka weyndiinayaa “ Haddii kaba soo qaad laga wareejiyo kuwan imika laga kireeyay, maxaa u diidaya in shariikadaha badan ee hadda ku midaysan gacan ku haynta Haamaha in mid waliba gaarkeeda xero usoo oodato oo dalbato in loo sharciyeeyo si ay haamo uga dhistaan, kuwa dawladdana farahaba ka qaadaan. Cid u diidi kartaa runtii ma jirto, waayo kuwo horeba dee waa loo ogolaaday.

Markaa ma Faa’iidaa wadanka ugu jirta tartanka noocaas ah? Jawaabtu waa maya.

Sidaas darteed Haamo lasoo wareegid xal maaha , ee xalku waa in xukuumadda oo dawladda uga wakiil ah arimaha qaranka iyo hantidiisa, inay gebi ahaanba mamnuucdo in dad shicib ah, ama shariikado gaar ah ay yeeshaan Haamo Kayd Shidaal. Taa bedelkeeda waa in ay dawladdu noqotaa ta keli ah ee hantida noocaas ah yeelan karta. Kuwa imika la dhistayna waa in xukuumaddu la wareegtaa, dadkii maalgashadayna hantidoodii loo celiyaa, wixii aan waafaqsanayn nidaamka tayeedna (sub-standard) la burburiyo, Ganacsataduna ay noqdaan kuwo isticmaala haamaha oo kiro laga qaado. Markaa xukuumaddu waa Haamo-kirayso, cashuur-qaadato iyo kiro-qaadato. Halka ganacsataduna  ay noqonayaan keliya kiro-bixiyayal iyo cashuur-bixi yayaal, haddii kale miisaankii dawladnimo ayaa lumaya.

Ugu dambayn, waxaynu leenahay Baarlamaanow xal dhibaatada wada xaliya keena, dhib meel gaara ku kooban oo shiidaal ciladaysan loogu marmarsoodo keligeed xalkii maaha.

Madawenahana waxaynu xasuusinaynaa, M/Weyne waad aragtaa halka xaal marayo, maantay dhowdahay ee ha la soo afmeero arinta Haamaha ku saabsan, haddii kale berrina waxa xigi shariikado ceelal shiidaal iyagu qodanaya oo maalgashanaya oo la leeyahay, iyagaaba muwaadiniin ah ee u daaya.

Wallahu Aclam

W/Q: C/raxman Caydiid

abdiaideed11@gamail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here