“Hadalkaa Cali-Seenyo La Soo Istaagay Telefishanka, SOLJA Ahaan Waxaannu U Aragnaa Arrin Karaamo Dhac Ah, lana Aqbali Karayn”

0
1

Guddoomiyaha SOLJA oo Gef iyo Meel Ka-dhac ku Sifeeyey Hadal ka soo Yeedhay Mulkiilaha Telefishanka SAAB

 

Hargeysa(Hubaal)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa  aflagaado ku tilmaamay hadal Mulkiilaha Telefishanka SAAB uu jeediyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Guddoomiyuhu wuxuu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu  xusay in hadalka Cali Seenyo gef ku yahay karaamada Saxaafadda Somaliland, waxaanu yidhi; “Cali Seenyo wuxuu ka hadlay Arrimo aan is qabanaynin oo mihnadda Saxaafadda, Xeerka Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Karaamadoodaba aanu u aragnay inay gef ku tahay oo aanay ahayn inuu sidaas uga hadlo runtii. Dabcan, masuuliyiinta dawladdu haddii ay ku gefaan  qofka Suxufiga ah ama Hay’adda Warbaahinta in nidaamka sharciga ah loo maro oo la iska difaaco weeye.”

Guddoomiyaha SOLJA wuxuu meel ka dhac ku tilmaamay hadalkii  ka soo yeedhay Mulkiilaha Telefishanka SAAB, waxaanu yidhi; “Runtii waxaanu qabnaa sida Qoddobada 14-aad,19-aad,21-aad, 26-aad, 28-aad ee Xeerka Saxaafaddu ay dhigayaan inuu Cali Seenyo majaro habaabiyey dhibtii iyo cabashadii uu qabay haddii uu muwaadinku  haysto sharci iyo haddii uu sharci soo maray waxaanu qabnaa in laga hor istaagaa inay tahay xaaraan  iyo dambi, hase yeeshee hadallada deelqaafka ah ee Cali Seenyo la soo istaagay Telefishanka  ee aan war ahayn ee aan faallo ahayn ee aflagaaddada ah ee uu kula kacay Taliyaha Ciidanka Booliska ay tahay mid aan ururkuna aqbali karaynin Saxaafadda Somalilandna karaamadeeda meel kaga dhacaya. “

Guddoomiye Maxamuud Cabdi Jaamac waxa kaloo uu Cali Seenyo ku tilmaamay inuu ku hadlay arrimo karaamo dhac ah, waxaanu yidhi; “Ururka SOLJA wuxuu u doodaa Suxufiga dhibanaha ah ee laga gardaran yahay, laakiin ururku kuma taageerayo Cali Seenyo iyo Mulkiileyaasha Hay’adaha Warbahinta iyo Suxufiyiinta kaleba inay ku gefaan Muwaadiniinta, Masuuliyiinta iyo Qaranka Somaliland. Waxaanu u aragnaa in  Cali Seenyo uu ka hadlay arrin  karaamo dhac  aheyd oo aanay ahayn inuu ka hadlo. Urur ahaan talo ayaanu ka gaadhnay arrintaa oo waanu ka shirnay waxaanu u aragnaa inuu ku gefay qoddobadaas aan soo sheegnay oo dhigaya in Suxufigu warka ku doono sifo hufan oo macquul ah oo wixii ka yimaadana nidaamka sharciga ah u maro oo uu iskaga difaaco.”

SHARE
Article horeWeriye Warbixin Uu Jeediyaynay Ku Aflagaadeeyay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Dalkiisa
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here