“Haddii Foore Lagu Xidhayo; ‘Madaxtooyo Cusub Maanta Baahiyihii Bulshada Ayaa Ka Awood Badan’, Waxan Leeyahay Su’aashaasi Ilaa Imikay Taagan Tahay”

0
1

Guddoomiye XUUTO Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Xayiraada Hay’addaha Warbaahinta

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland, Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa cambaareeyay xayiraada wargeyska Foore la saaray, waxaana uu ku eedeeyay xukuumadda Somaliland inay caddaadis xoogan ku hayso warbaahinta oo ay mijo-xaabinayso, isla markaana albaabada u laabayso mihnadii saxaafadda.

Guddoomiyaha ururka saxaafadda Somaliland, Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa cambaareeyay xayiraada wargeyska Foore la saaray, waxaana uu ku eedeeyay xukuumadda Somaliland inay caddaadis xoogan ku hayso warbaahinta oo ay mijo-xaabinayso, isla markaana albaabada u laabayso mihnadii saxaafadda.

“Iyadoo markii horeba uu culays saarnaa saxaafadda Somaliland, haddana maanta xukunka ay maxkamadu ku xayirtay wargeyska Foore, waa mid lagu mijo-xaabinayo oo albaabada loogu laabayo mihnadii saxaafadda. Runtii wixii qaladaad ee dhinacayga in aanu qaadano waanu ogolnahay, balse waxa aan marnaba la aqbali karayn in hay’ad warbaahineed albaabada loo laabo, suxufiyiintana la xidhidho.” Ayuu yidhi Mr. Xuuto

Guddoomiyaha Solja waxa uu xukuumadda ku dhaliilay cabudhinta ay ku hayso saxaafadda, marka ay soo bandhigaan baahiyaha jira

“Maanta madaxtooyo cusub ma loo baahan yahay? Wargeyska oo kaliya maaha, Ummada oo dhan baa ka hadlaysa madaxtooyadaa cusub ee ay xukuumaddu wado, lacagta lagu dhisayo haddii la isweydiiyo meel ay miisaaniyad kaga jirtaa ma jirto, sidaas daraadeed haddii la yidhi, waar madaxtooyadaa cusub maanta baahiyihii bulshada ayaa ka awood badan, ma dembi buu galayaa wargeysku? Cidda ka hadlaysaa ma dembi bay ku galaysaa. Waxaan qabnaa xeer-ilaalintu in aanay wax eeda iyo wax dembi ah oo ay arrintaasi u daliishataa inaanay jirin, haddii Wargeyska Foore lagu xidhayna, su’aashaasi ilaa imikay taagan tahay, oo madaxtooyadaa baahiyaadkii ka haboonaa baa loo baahan yahay. Iskaba dhaaf,  madaxtooyada laftigeeda ilaa hada muran ka taagan yahay oo ay xukuumaddu mare u weyday, dadkii sheeganayay dhulkaasi ee ku cabanayay ilaa hada inay dhex fadhiyaan.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Solja

Maxkamada G/Maroodi-jeex ayaa shalay xukuno Xayiraad iyo Ganaax lacageed ku riday Wargeyska Madaxabanaan ee Foore oo ka soo baxa magaalada Hargeysa. Xukunkan Maxkamadu ku Riday Wargeyskaasi Foore iyo Masuuliyiinta Wargeyska ayay Maxkamadu waxa ay xayiraad hal sano ah ay saartay Wargeyska Foore in aanu ka soo bixin dalka Halka Masuuliyiinta wargeyskana ay ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan Saddex Milyan oo shillinka Somaliland ah.

Si kastaba, Xayiraada la saaray wargeyska Foore ayaa ku soo beegmaya xili ay xukuumadda u xidhan yihiin suxufiyiin gaadhaysa ilaa toddoba wariye

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here