“Haddii Xukuumaddii Ay Go’aan Qaadatay Oo La Leeyahay Gacan Ku-Dhiiglayaasha Ha Lasoo Qabto Taasi Ma Waxay Noqotay Mid Laysku Canaanto, Sowtii Shalay Lahayd Odayga Dalka Maanu La Xukunaa”

0
1

Qaar Ka Mid Ah Suxufiyiinta Waaweyn Ee Somaliland Oo Bulshada Ugu Baaqay Inay Isgarab Taagaan Cidkasta Iyo Falkasta Oo Lagu Sugayo Xasiloonida Iyo Jiritaanka Qaranka

Hargeysa (Hubaal) Qaar Ka mid ah suxufiyiinta waaweyn ee ka tirsan wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa soo jeediyay in dawladda laga gacan siiyo sidii loo soo qaban lahaa gacan ku-dhiiglayaashii dilay saraakiishii lagu dilay gobollada bariga. “Dhawaan waxa la dilay laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada Somaliland, kuwaas oo astaan ua ahaa ummadda  oo dhan iyo qarankaba, dadkii dilayna ciidamada ayaa ku hawlan, waxaannu haddaanu nahay saxaafadda taageeraynaa fal kasta iyo tallaabo kasta oo amniga Somaliland lagu xasilinayo, shacabkana waxa aanu ku baraarujinaynaa inay isgarab taagaan cid katsa oo xasililoonida, sharafta iyo jiritaanka Somaliland ka shaqaynaysa.” Sidaasi waxa yidhi weriye Xagar oo hadlayay xaaladda degdega ah ee la galiyay gobolka sanaag

Waxa isna ka hadlay Cabdilaahi Wayab oo ka mid ah suxufiyiinta ruug-cadaaga ah ee Somaliland oo isna sidoo kale soo dhaweeyay tallaabo kasta oo dawladdu wax kaga qabanayso ilaalinta amniga iyo xasiloonida dalka, waxaana uu yidhi; “Waxaan leeyahayay, waar wixii dhaqankeenu ahaa iyo sidii aynu u dhaqmi jirnay aynnu dib ugu noqono oo Somaliland maanta waxay leedahay cadaw badan, fara badan baa ku jira, waxaynu u baahan nahay dhalinyarao, waayeel, odayaal iyo haweenba inaynu garano danteena, maxaa inoo dan ah, maanta marka ciidankii qaranka la laayo ee la dilo ee waliba six un loo dilo, sow maaha markaa looma jeedo qaranka Somaliland, markaa anigu waxaan odhan lahaa aynu dib isugu noqonoo wixii danteena ah ee ummadnimadeenu ku hagaagayso aanu ku dadaalno oo ka talino.”

Waxa isna halkaasi ka hadlay weriye sare Abiib Iimaan Xasan waxaanu yidhi; “Maanta haddii xukuumaddii aynu maanta gacanteena ku dooranay ay go’aan qaadatay oo la leedahay dadkaa gacan ku-dhiiglayaasha ah ha lasoo qabto oo la leeyahay amnigii ha la xasiliyo, oo la leeyahay wixii qaranimada Somaliland wax u dhimaya tallaabo adag ha halaga qaado, ma waxay noqotay iyaduna mid laysku canaanto, sowtii shalay lahayd odayga dalka maanu la xukunaa, maanta sidee loo yidhaa maxaa sidaasi loo yeelayay. Gobol gobol ka maarmaa ma jiro, degmo degmo ka maarantaana ma jirto, min lowyo-cado ilaa qawl gaadhiga aad shanta subaxnimo ka xaysato shanta subaxnimo ee dambe inta aad marayso waxa laga yaabaa in dariiqa aad ku aragto qof geel jire ah oo istaag intuu ku yidhaa dabadeed midh sigaar ah ku weydiista, waa nasiib aynu leenahay dhulka soomaalidu ay ku nooshahay oo dhan.”

SHARE
Article horeWasaaradda Gaadiidka Somaliland oo Hirgalisay Barnaamij Lagula Soconayo Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka Dawladda
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here