Hal-ku-dhega Sanadkan Diirrada Lagu Saarayo Toddobaadka Bandhiga Caalamiga Ah Ee Buugaagta Hargeysa

0
1

Hargeysa- (Hubaal) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay  ka qayb-galay bandhiga furitaanka carwada buuggaagta ee Hargeysa International Book Fair.

Bandhiggn oo soconayaa muddo toddobo maalmood ah waxaa buugaagtooda kusoo bandhiggaya, hadallana ka jeedinaya qorayaal caan ah oo Soomaaliyeed iyo kuwa cusub.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Zaylici oo  si rasmi ah u furay bandhigan ayaa kasokow waxaa  sidoo kale goob joog ka ahaa safiirka Britain ee Somaliya Daved Concard . Qorayaasha sanadkan lagu casuumay islamarkana buugaagtooda so bandhigi doona ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen 25 dal. Bandhiga buugaagta ee Hargeysa ayaa sanad waliba waxaa lagu marti qaadaa dal gaar waxaana sanadkan marti ku ah dalka Ruwanda. Gudoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa ee lagu qabto bandhiga buugaagta sanad walba Dr; Jaamac Muuse Jaamac ayaa sheegay in sanadkan bandhiga diiradda lagu saari doono ereyga Xikmadda iyo murtidda ay Soomaalida lahaan jirtay. Mr Jaamac ayaa intaa ku daray in buugaagta la soo bandhigayo qaarkood lagu daabacay dalalka Yurub kuwaasi oo isugu jira kuwa ay Soomaalida qoreen iyo kuwa Soomaalida laga qoray. Waxaa jira qorayaal cusub oo dhalinyaro ah waxaana ka mid ah gabdho qoray buugaag cusub. Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa Jaamac Muuse Jaamac iyo kooxdiisa sida hagar la’aanta ah ee ay barnaamajkani u wadeen tobanka sanadood, wuxuu u badheedhay wado dheer oo caqabado badan lahayd, waxa kale oo aan aad ugu mahad-naqayaa una soo dhawaynayaa dadka inooga yimi dunida, aqoonyahanada, safiirada dhamaantood waxaan kusoo dhawaynayaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland, gacmo furan kusoo dhawaada ayaan leeyahay.

Waxaanu madaxweyne ku xigeenku goobtaasi kaga dhawaaqay oo uu yidhi “ waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa inuu furan yahay badhiga Hargaysa International Book Fair, hawshani waxay qiimo weyn u leedahay dalkeena, intaasoo qof oo dalal kala duwan ka yimi ayaa jooga waxay markhaati ka yihiin in Somaliland tahay dal cagihiisa ku taagan oo tashaday, dad badan ayaa maanta baranaya Somaliland waxa ay tahay nabad-galyada iyo dimuqraadiyadda ka jirta.

SHARE
Article horeMadaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo Furay Hargeysa International Book Fair
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here