Hal qof oo ku Dhintay Dooxa Tuulada Aw-Barkhadle oo Qaaday Baabuur Xamuul ah

0
1

Hargeysa (Hubaal) Hal qof ayaa ku dhintay  kadib markii uu galabta  dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga Hargeysa uu qaaday  Gaadhi Xamuul ah  oo ka yimid magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

 

Guddoomiyaha tuullada Aw-barkhadle Mahad Maxamuud Gahayr, oo u waramay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegay in daad xoog leh oo ka soo rogmaday dooxa Aw-barkhadle uu la tagay Baabuur nooca loo yaqaano waaraadka ah oo siday khudrad kana yimid magaalada Berbera.

 

Guddoomiyuhu wuxuu  Tilmaamay  inay maydka ALLE ha u naxariistee dirawalkii Baabuurkaas oo la odhan jiray Marxuum-Maxamed Cabdilaahi (Ina Caga-saydh) ay ka heleen goob shan kiiloo mitir u jirta tuulada Awbarkhadle. halka kirish-boygii gaadhigaas  bulshada  degaanka Aw-barkhadle ay badbaadiyeen.

 

Guddoomiyaha magaalada Aw-barkhadle  Mahad Maxamuud Gahayr wuxuu intaas ku daray inay ciidan dhigeen dooxa Aw-barkhadle si ay gaadiidka uga horjoogsadaan inay isku biimeeyaan daadkaas, waxaanu gaadiidleyda ku booriyey in aanay ku degdegin inay maraan dooxyada  daadku socdo, iyadoo sannad kasta ay dad ku dhintaan baabuurta daadku qaado.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here