Hal Qof Oo Ku Dhintay Guri Dab Qabsaday Magaaladda Arabsiyo

0
13

Hargeysa(Hubaal)-Hal qof ayaa ku dhintay Dab qabsaday Guri ku yaalla badhtamaha Magaalada Arabsiyo oo dhinac Galbeed kaga beegan Caasimada Hargeysa.

arabsiyoAlle ha naxariistee Axmed Siciid Maxamuud Bille oo ah Marxuumka ku naf-waayay guriga gubtay, ayaa la sheegay in isagoo guriga hurda Dabku guriga qabsaday, kaddibna uu ka bixi kari waayay, sida ay Gobanimonews sheegeen goob-joogeyaal.

Warku wuxuu intaas ku daray in Ninkaas oo ay guriga wada degenaayeen xaas qudha oo an wax ubad ah u dhalin, uu u dhintay Dhaawac culus oo ka soo gaadhay dabka, kaddibna uu ku geeriyooday cisbitaal loola cararay.

Gurigan gubtay oo ku yaala Badhtaha Magaalada Arabsiyo.waxa u soo gurmaday oo gacantooda ku bakhtiiyey Dadweynaha Magaalada oo ay kala qayb-qaateen Booyado nooca biyaha dhaamiya oo u soo gurmaday.

Xaaska Ninka Geeriyooday ayaa la sheegay inay ka maqnayd Guriga markuu dabku qabsaday, laakiinse lama hubo arrintaasi.

 Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha booliska iyo Maamulka Degmada oo la xidhiidha sababta keentay gubashada Gurigan, waxaase saraakiisha Booliska warar aan rasmi ahayn ay ku sheegeen inay baadhisi socoto.

Magaaladan Arabsiyo Ayaan habyaraatee lahayn wax Ambulance ah, Gaadiid Dab-damisa iyadoo ay gabi ahaanba ka aradantahay adeegyada Aas Aasiga ah,

Dhanka kale maamulka dawlada hoosev ee Dagmada Arabsiyo ayaa u Muuqda kuwo uu gaabis badani ka Muuqdo oo aan isku xidhnayn.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here