Halkan Ka Akhri: Nuxurka Khudbad Uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Maanta Ka Jeediyay Dhoola-Tus Ballaadhan Oo Xisbul-Xaakimku Kaga Jawaabay Hadallo Dhawaan Mucaaridka Kasoo Yeedhay

0
16

Hargeysa:Mar,12,2015(Hubaal)-Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa Maanta Hutel Mansor ee Magaalada Hargeysa ku Qabsaday Munaasibad ballaadhan oo lagaga Hadlayey Mawqifkiisa ku aaddan Dibudhac ku yimaadda Doorashada Dalka Badhtanka Sanadkan ka qorshaysan.

Munaasibaddan oo si heersare ah loosoo agaasimay, ayaa waxa kasoo qaybgalay Kumanaan kamid ah taageerayaasha Xisbiga, Hoggaanka Sare ee Xisbigaas, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Marwada Koowaad ee Qaranka iyo Marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana Halkaas khudbado ka jeediyey saraakiisha xisbiga iyo Xukuumaddaba ugu sarreeya oo jawaabo ka bixiyey hadalllo dhawaan kasoo yeedhay mucaaridka Dalka oo ka dayrinayey Xaaladda Dalka wixii ka dambeeya Muddada doorashooyinku qorshaysan yihiin.

Muuse BiixiMunaasibaddan oo u muuqatay mid dhoolotus u ahayd Midawgii dhawaan Mucaaridka somaliland dhexmaray ayey xisbiga Kulmiye ku Muujinayeen inay Taageerayaashoodu ku niyadsan yihiin Duruuf kasta oo doorashooyinka ku timaadda, kuna garab taagan yihiin Xukuumadooda, waxana  Hadallo ka jeediyey Masuuliyiin tiro badan oo xukuumada iyo Xisbigaba iskugu jira.

Masuuliyintii halkaas ka Hadlay ayaa dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in lagu qanco dhawaaqii komishanka qaranka somaliland ee la xidhiidhay inay Doorashadu dib udhacdo, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inaan waddanku marnaba geli doonin marxalad Dawlad la’aan ah.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi  oo halkaas hadal dheer ka jeediyey, ayaa sheegay in Hadii duruufi keento inay doorasho dhacdo  uu hoggaanka Maanta ee Dalku sidiisa ahaan doono, isla-markaana aanay jirin doonin Dawlad kale oo dalka qabsan doonto ilaa inta doorasho laga qabanayo,

“Waxaynu ognahay in Guddida Doorashooyinka qaranku ay sheegeen inay dib u dhacayso Doorashadu, markii ay tilmaameen in wakhtiga ay diiwaangelinta qabanayaan ka dambayso wakhtigii Doorasho la geli lahaa, Cid walbana waxanu u sheegaynaa Haddii Doorasho dhici weydo In Dawladda iyo xukuumadda Haatan jirta ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenka la doortay iyo Xisbiga Kulmiye ay waafaqsan Distoorka usii hayn doonaan Inta Doorasho laga gaadhay.”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Mudane Biixi oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay Xisbigoodu inuu mucaaridka taladooda dhegaysto, isla-markaana loo ogolaan doono wixii ay Distooriyan xaq u leeyihiin, waxana uu yidhi,

“Mucaaridka waxanu ugu baaqaynaa inaanu ku garnaqsano Distoorka, wixii aad ku heshaan ayuun baad leedihiin. Xisbiyada qarankana waxa loo sameeyey in lagaga baxno dibudhaca siyaasadeed iyo dhaqaale oo meesha aynu maanta joogno meel kafiican ku gaadhno, xisbiyadana waxa laga filayaa inay falkiyaan Talo qaran oo Mustaqbalka loo aayo, Waxase jirta in markasta oo doorashooyin la gaadho ayno warbaahinta isu marino cay iyo aflegaado oo aynu mararka qaarkood gaadhno meel aad u liidata, Dadka Wararka warbaahinta marinayaana waa inta umaddu u aragto hormoodkooda,”

Mudane Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa soo jeediyey in la gaadhay xilligii laga waantoobi lahaa Yooyootanka iyo caytanka yimaadda xilliyada Doorashada, waxana uu yidhi,

“Maanta weynu xidhaynaa Baabka Cayda, Isjiid-jiidadka iyo hadalka aqoonta gaaban, waxana aynu u guuraynaa inay ka fikirno aragti dheer oo danta qaranka dan u ah,”

Muuse Biixi Cabdi waxa uu si cad u sheegay inay soo dhaweynayaan Fikirka Mucaaridka, waxana uu taas beddelkeeda ugu baaqay inaanay marnaba ka bixin Xayndaabka Sharciga waddanka u yaalla,

“Waxanu ixtiraamaynaa sharciyadda Xisbiyada mucaaridka, Waxanu soo dhaweynaynaa kala duwaanshaha fikraddayada,  waxanu soo dhaweynaynaa inay sifo xor oo xalaal ah nagula tartamaan, Kase yeelimayno inay xisbiyadu nagala gudbaan Xayndaabka Shariciyadda dalka, waxana aanu diyaar u nahay inaanu dhegaysano taladooda, cabatinkoodana ka garawno haddii ay gar yeeshaan.”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi ayaa  ayaa sheegay in Hadii la Gaadho 26-ka June Hadii aanay doorasho dhicin aanay dalka waxba ka dhici doonin, waxana uu yidhi, “Nimanka Maanta ku Hanjabaya Jirimayno 26-ka June, waxanu leenahay cid kale ayaa Hajabaadaas iyo xooggaas idiinka Baahan.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here