HUBAALMEDIA.COM
HALKAN KA AKHRI: Nuxurka Sideed Qodob Oo Ka Soo Baxay Wada-Hadlada Somaliland Iyo Khaatumo Ee Shirka Djibouti
March 30, 2017 - Written by Mustafe Faro

QODOBADII KA SOO BAXAY WADA-HADLADA SOMALILAND IYO KHAATUMO EE SHIRKA DJIBOUTI.

weftiga wadahadalka khaatumo

Waxaa 25 March 2017 ilaa 29 March 2017 ka bilaabmay shir ay isku yimaadeen Guddida Wada-hadalka ee Somaliland iyo Khaatumo, kaas oo ka qabsoomay  Dalka Djibouti.

Shirkaas oo ku bilaabay, kuna dhamaaday is afgarad qodobadii laga wada hadlayey.

Shirkaas waxaa laysla gartay, oo ka soo baxay qodobadan soo socda:

  1. Waxaa laysla qaatay in si sugan looga wada shaqeeyo arrinta nabadeynta ee u dhaxaysa Beelaha Walaalaha ah ee (Baharsame iyo Qayaad), si buuxdana u tageerno, iskuna garab taagno Guddida nabadeynta ee hawshaa gacanta ku haysa.
  2. Waa in wixii faro galin ah, gudaha iyo dibadaba ee wax yeelayn kara nabadeynta labadaas Beelood meel looga soo wada jeesto.
  3. Waxaa si buuxda layskula qaatay in hawlaha Abaaraha iyo horumarinta deegaamadaas layska kaashado si wadajir ah.
  4. Waxaan si wadajira ugu baaqaynaa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ahba, ay ka hawl galaan dhamaan gobolada iyo degmooyinka aaney hore u tagi jirin, halkaas oo aaney imika wax nabadgelyo daro ahi ka jirin, loona sameeyo guddi wadajir ah.
  5. Waxaa laysla gartay in maamul daadejintu aasaas u tahay nabad kuwada noolaanshaha iyo kobcinta awooda bulshada, sidaa daradeed waa in la gaadhsiiyo oo laga abuuro maamul iyo adeega bulshada meelaha aaney hore uga jirin, ha’yadaha samafalkuna doorkooda ka qaataan.
  6. In meel looga soo wada jeesto wax kasta oo caqabadeyn kara hanaanka wada-hadalada laba dhinac.
  7. In wixii dhiig iyo dhaqan ku saabsan lala kaashado goloyaasha dhaqanka si wadajira.
  8. Waxaa laysla qaatay in guddidii farsamadu soo diyaariso qabashada shirka danbe , soona cayinto goorta iyo goobta sida ugu dhakhsaha badan.
  9. Waxa laysla qaatay in yoolka wadahadaladeena uu saldhig u yahay is aaminid, wada-shaqayn, nabadgelyo, horumar dhan kastaba ah.

Gudoomiyaha Waftiga Somaliland

Mr.Maxamed Mixile Boqore.

_____________________________

Gudoomiyaha  Waftiga Khaatumo

Mr.Maxamoud sheikh Cumar Xasan.

           ______________________________

Allaa Mahadleh.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews