HALKAN KA AKHRI: Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Qarax Ka Dhashay Booyad Shidaal Oo Hargeysa Qallibantay

0
62

HALKAN KA AKHRI: Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Qarax Ka Dhashay Booyad Shidaal Oo Hargeysa Qallibantay

taliye-fadal1Hargeysa (Hubaal)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ka warramay qaraxii ka dhashay Booyad shiidaal siday oo galabta ku gadoontay agagaarka isgoyska xaruntii hore ee Hay’adda UNICEF ee magaaladda Hargeysa.
Taliyaha Ciidanka Booliska oo caawa u warramayay warbaahinta waxa uu sheegay in Booyadaasi qalibantay ka dib markii ay dalcada wadada xaafadda Xero awr ka soo daadegtay isla markaana biriigii qaban waayay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu sheegay in Booyadaasi ay ku dhacday isgoyska jidkaasi isla markaana qaraxii ka dhashay shiidaalku uu sababay dhimashada hal qof oo ahaa dirawalkii Booyadda isla markaana dhaawacyo kala duwani ay soo gaadheen kirishboygii iyo wiil dhalinyaro ah oo kale.
Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu intaas ku daray in dabkii ka dhashay shiidaalkii Booyaddu uu gaadhay laba guri uu khasaare balaadhani soo gaadhay.
Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu u mahad celiyay boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda oo uu ku ammaanay inay gurmad balaadhan ka galeen sidii dabkaasi loo bakhtiin lahaa isla markaana aanu dabku ugu fidin xaafadaha ku gadaaman goobta booyaddu ku qalibantay.
Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa kale oo uu ammaanay gaadiidlayda Booyadaha iyo ciidanka Booliska oo iyaguna kaalin weyn ka qaatay bakhtiinta dabkaas.
Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay dirawalkii booyadda eeku geeriyooday shilkaas, waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Taliyaha Boolisku waxa kale oo uu sheegay inuu ILAAHAY uga baryayo inuu shaafiyo labadii qof ee ku dhaawacmay shilkaas.
Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu intaas ku daray in ciidanka Boolisku ay baadhayaan asbaabaha dhaliyay Booyada qalibantay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here