Halkan Ka Akhri: Warbixin Meesha Ka Saartay Doorashooyin Sanadka 2016 Ka Qabsooma Dalka Somalia Iyo Sababaha Loo Daliishaday

0
15

Muqdisho, (Hubaal)- Xukuumada Soomaaliya ayaa la sheegay inaanay ku guulaysan doonin Qorshe beesha Caalamku taageerayso oo la doonayo in markii u horeysay muddo 24 sanno doorashooyin dimuqraaddi ahi ka qabsoomaan sannadka 2016-ka.

heritage instituteHadalkan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee laga baahiyo dib-u-dhaca doorashooyinka la qorsheeyey inay ka dhacaan Soomaaliya sannadka soo socda ayaa ka soo baxay hay’ad cilmi-baadhiseed oo xarunteedu tahay Soomaaliya.

Hay’adda Heritage Institute oo xaruntiisu tahay Muqdisho ayaa warbixin ay soo saareen todobaadkan oo kaga hadleen waxqabadkoodii sannadkii dhamaaday iyo qorshahooda mustaqbalka, waxa ay ku shaaciyey inaanay macquul ahayn in dowladda Soomaaliya fuliso ballanqaadka ah in doorashooyin ka dhacaan Soomaaliya sannadka soo socda, loona baahan yahay dariiqii madaxda Soomaaliya u wareejin lahaayeen xilka la raadiyo.

Warbixinta Heritage Institute ayaa lagu sheegay inay ka shaqeynayaan fursadihii iyo talaabooyinkii loo mari lahaa in hab nabadgelyo xalaal ah loogu wareejin lahaa xilka, dawlada bedeli doonta ta xilligan joogta.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya wakhti beesha caalamka iyo ergeyga Qaramadda Midoobay Mr. Kay sheegeen dhowaan sheegay inaanay jiri doonin kordhin loo sameeyo muddo xileedka hogaamiyeyaasha Soomaaliya marka wakhtigoodu dhamaado, waxaanu yidhi “Ma jiri doonto kordhin muddo xileedka hogaamiyeyaasha Soomaaliya, marka wakhtigoodu dhamaado August, 2016, beesha caalamkuna ma aqbali doonto.”

Dhawaaqa Heritage Institute ayaa noqonaya mid guuldaro ku keenaya madaxda Soomaaliya iyo guud ahaan dedaalada beesha caalamku dabada ka riixayso ee ma-dhalayska ah, kuna sii biiri doona tobonaan isku-dey oo sannadihii u dambeeyey lagu fashilmay.

source:Himilomedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here