HALKAN KA AKHRI: Wasiir Bilihii U Dembeeyey Dibad-Wareeg Ah Oo Ka Hadlay Musharraxiinta Kulmiye Ee Madaxweyne Siilaanyo Dhabarka Ka Taabtay

0
22

“Waxaad Arkaysa Qaar Casuumad Sameeyay Oo Musharixiin Ah Oo Hadana Ku Dhawaaqaya Madaxweynaha Murashax Ah, Oo…”

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Maxamed Daahir Cakuse, oo in muddo ahba dibad wareeg ahaa ayaa ku tilmaamay labada wasiir iyo gudoomiyaha Kulmiye ee loolanka adag ee murashaxnimadu ka dhexeeyo, ficiladdoodu inay yihiin qaar qarinaya waxqabadka xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirku wuxuu sidaa ka sheegay khudbad uu u jeediyay jaaliyada ku dhaqan dalka Sweden, waxaanuu yidhi; “Kulmiye wuxuu noqday xisbi cudud wayn, markuu miisaanku kugu batana, waxaa laga yaabaa in aad adigu is jebisid.Laakiin waxaad arkaysaan qaar kale oo casuumad sameeyay oo musharixiin ah iyo qaar kale oo casuumad sameeyay oo musharixiin ah, labaduba waxay ku dhawaaqayaan inuu Madaxweynuhu musharax yahay, oo haddaa maxaad idinku casuumayseen?, casuumadahaa ayaa qarinaya waxqabadka xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.” Wasiir Cakuse wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi; “Xisbigu hoggaamiye ayuu leeyahay oo waa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), murashax xisbiga Kulmiye waa Madaxweyne Siilaanyo, Gudoomiyaha Xisbigu waa Muuse Biixi Cabdi, Cabdicasiis Maxamed Samaale waa wasiirka Maaliyada, Maxamed Biixi Yoonis waa wasiirka Arrimaha Dibadda. Haddaba casuumadaha yaryar ayaa qarinaya waxqabadka xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.”

 Cukuse-1

Hadalkan wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli loolan adagi u dhaxeeyo masuuliyiinta uga sarreeya xisbiga KULMIYE.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here