Halkan Ka Akhriso: Fadhigii 2-aad Ee Dacwadda Haatuf Oo Maanta La Dhagaystay Iyo Nuxurka Su’aalo Xasaasi Ah Oo Qareenadu Waydiiyeen Wiilka Madaxwayne Siilaanyo Sodoga U Yahay

0
21

Xadhigii Sharci-Darada Ahaa Ee Mid Ka Mid Ah Qareenadda Haatuf + Dareenadii Ka Dhashay Difaacii Garsooraha Dacwada Qaadayey Baashe Cawil

Haatuf group

Hargeysa, (Hubaal) – Waxa maanta la galay fadhigii labaad ee dhagaysiga dacwadii ka dhanka ahayd Suxufiyiinta Haatuf ee kala Gudoomiyaha Wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cali Cigeh. Qareenadda suxufiyiintan oo kala ah: Xasan Cali Banfas, Cismaan Askar iyo Mahad Cabdi Maxamed.

Arimaha layaabka leh ee maanta ka dhacay Maxkamadda.

Iyadoo garsooraha dacwadan hayey ay garyaqaanadu dureen oo ay ka muujiyeen kalsooni daro, maadaama aanay suxufiyiinta xidhani ku kalsoonayn, oo culays badanna la saaray. Ayuu haddana soo fadhiistey oo uu ku indha adaygay inuu dhagaysanayo dacwadan. Aakhirkiina wuxuu ku dooday inta ay dhan u dhacayso inuu laba markhaati ku daynayo dhagaysiga dacwadda. Isagoo dhagaystey, Baashe Cawil oo M/weyne Siilaanyo sodog u yahay iyo Taliyaha C.I.D oo la yidhaahdo Daahir Muuse Abraar.

Arinta fajaca lahayd waxay ahayd iyadoo Baashe Cawil uu muujiyey awooda uu ku leeyahay dawlada, oo gaadhi weyn oo 4wheel Drive ah oo lagu siday uu ahaa ka qudha ee Maxkamadda loo ogolaaday inuu soo galo, halka garsooreyaashii Maxkamadda ka shaqaynayey dhamaantood baabuurta banaanka fog laga wada dhigay.

Sidoo kale waxaa layaab lahaa askarta la keenay maanta inay ahaayeen kuwo aad u tiro badan, oo tacadiyo kala duwan kula kacayey dadweynihii ka soo qaybgalay iyo ehalada suxufiyiinta xidhanba. Waxaanay baadhayeen garsooreyaasha iyo qareenada maxkamada galayey waana arin aan hore loo arag. Taasi oo muujinaysa in la afduubay garsoorkii. Guud ahaan garsooreyaasha dalka oo min gudoomiyaha ugu sareeya ee Maxkamadda Sare ilaa garsooreyaasha ugu hooseeya ay yihiin dad aad u jilicsan oo haybadii iyo karaamadii lagu yaqaanay garsoorka si weyn hoos ugu dhigay. Marka la barbar dhigo Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Sare Axmed Xuseen Oomane wuxuu ahaa nin sharciga aad ugu ad-adag oo ka difaaca garsooreyaasha kale in karaamadooda hoos loo dhigo, balse gudoomiyahan Maxkmada Sare waxa uu aad ugu dhego nugulyahay amarada xukuumada oo ilaa agaasimeyaasha uu ka amar qaato. Taasina waxay ku keentey in garsoorku aad u diciifo oo uu gaadho heerkan maanta uu marayo.

Markii fadhigii maanta la bilaabay waxaa soo galay Baashe Cawil, waxaana uu istaagay meesha markhaatigu istaago iyadoo loo sheegay in uu kitaabkaasi gacanta saaro, waana la dhaariyey. Dhaartii kadibna waxa uu sheegay in wargeyska Haatuf ka qoreen waxyaabo bahdilaad ku ah sida inuu warqad ka qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, warqadaasina uu kaga hawlgalo dalalka Kenya iyo Dubia oo kale.

Hadaba, markii Xeerilaalintu dhamaysatey su’aalihii ay waydiinaysay waxaa qareenadu waydiiyeen su’aalo xasaasi ah oo dacwada xidhiidh la leh, oo intooda badan oo ku fashilmay Baashe Cawil.

Su’aalaha uu ka jawaabi kari waayey dadweynihii goobjooga ka ahaana la yaabeen sida uu uga gubtey, waxaa kamid ahayd inuu sheego waxa ay isku yihiin Madaxweyne Siilaanyo. Waxa kale oo uu la anfariiray su’aasha ahayd, hantida uu lahaa intii aan Madaxweyne Siilaanyo xilka qaban, iyo ta uu imika leeyahay waxa u dhaxeeya inuu sheego, su’aashaasina waxay ku keentey iskudhexyaac farabadan, si fiicannna ugamuu jawaabin isagoo ku dooday inuu cadaymaheeda keeni doono haddii looga baahdo. Waxana qareenka waydiiyey ku adkeeyey inuu keeno cadaymaha arintaasi la xidhiidha. Baashe Cawil shaqadiisa wuxuu ku sheegay inuu yahay ganacsade, balse markii mid kamid ah qareenadu waydiiyeen nooca ganacsiga uu ka shaqeeyo ayuu aad uga warwareegay waxaana aakhirkii lagaga soo tuuray inuu baabuurta soo waarido. Arimaha uu ku fashilmay waxaa kamid ahaa inaanuu haysan liisan iyo ruqsan ganacsi midna, sidoo kale wuxuu cadeeyey in C.I.D xafiiskiisa ugu timid oo ay waxka qoreen balse isagu aanuu ashkato tegin. Waxa la waydiiyey oo kale hantida uu Niarobi ku leeyahay, waxaana uu sheegay inuu guri kiro ah kaga jiro Niarobi. Waxay ahayd su’aasha uu aadka u layaabka ahayd in uu sheego halka uu ka keenay awooda isaga oo qudha gaadhigiisa soo gelisay maxkamdda oo ilaa garsooraha dacwadan qaadayey gaadhigiisii laga dhigay beerta xoriyadda. Waxaana uu ku jawaabay in gaadhigaasi isagu aanuu lahayn oo lagu siday uun. Su’aalo la waydiiyey ee uu garsooruhu ka difaacay inuu ka jawaabo ayaa jiray sida inuu sheego waxa isaga iyo masuuliyiinta kale ee dacwadan kula jiraa ay isku qodobada loogu adeegsadey ee uu awooda ula qaybsadey isagoo xilba ka haynin, iyo in qodobada loo adeegsaday eedu ay yihiin kuwo ka hadla masuul dawlad xilka haya. Waana su’aalahaasi ka joojiyey garsooraha oo ka difaacay.

Haddaba, markii maraggaasi la dhagaystey ayaa waxa soo galay marag labaad oo ah taliyaha C.I.D, waxaana ka dhashay buuq badan oo ay suxufiyiintu ka doodeen in dacwadan sii socodkeedu khaldan yahay, waxaana ay wada tashadeen qareenadda. Intaa kadib Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa soo jeediyey inay qareenada iska fasaxayaan haddii aan hadalkooda la qiimaynin. Qareenadiina waxay muujiyeen inay taasi ku qanacsanyihiin, waxaana garsooruhu amar ku bixiyey in aanay qareenadu bixin ee ay fadhiyaan. Sidii baanay 3da qareen ku fadhiyeen iyagoon hadaleynin. Maragaasi Daahir ee taliyaha C.I.D hadalkiisii isaga iyo Xeerilaalinta ayaa dhamaystey. Intii aan la soo gebogabayn Qareenadu waxay ku guulaysteen in Xeerilaaliyaha Gobolka Axmed Cismaan Mire oo u muuqday inuu dacwada marin habaabinayo banaanka looga saaro, oo sharcigu aanuu oggolayn laba Xeerilaaliye inay wada galaan dacwad qudha. Halka tirada qareenadu aanay ka xadidnayn. Sidii baana banaanka looga saaray dacwadaasi in aanuu dib u soo gelin Xeerilaaliye Axmed Mire. Markii dacwadu dhamaatey ayaa la arkayey xeerilaaliyahaasi oo banaanka maxkamada ka abuuraya buuq iyo gacanka hadal uu kula kacay gabadh. Isagoo gabadhii uu dhirbaaxayna askarta ku diray waana la xidhay, cabaar markii ay xidhnayd waxaa sii daayey gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Cabdirashiid Duraan oo nidaamkii Maxkamadda kala habeeyey askartii tirada badnaydna ka codsadey inay banaanka u baxaan mar haddii dacwadii dhamaatey. Waxaana la ogaaday in garyaqaan Mahad Cabdi Maxamed oo kamid ahaa 3dii qareen ee dacwada difaacayey oo soo jeediyey in xeerilaaliyahaasi banaanka loo saaro, ay askartu sugaysay inay xidhaan. Waxaana la sheegay in xeerilaaliyihii cadhaysnaa askartaasi ka dalbaday in qareenkaasi la xidho. Xadhigii qareenkana waxaa gaashaanka ku dhuftey gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka oo ka diiday aakhirkiina arintii dhameeyey sidii baanuu qareenkii oo xor ahi banaanka uga soo baxay Maxkamadii dhowr saacadood kadib.

Dhagaysigii maantu intaas buu ku dhamaaday, waxaana loo mudeeyey dacwadan maalinta Sabtida soo socota ee bishu tahay 31 May, 2014 la dhagaysan doono markhaatiyada dhinaca dawlada. Waxaana marka danbe loo geli doonaa Difaaca iyo wixii ay cadaymo hayaan suxufiyiinta xidhani.

Waxa kale oo la diiday maanta in damaanad lagu sii daayo suxufiyiintan xidhan. Sidii baana lagu soo xidhay dacwadii maanta, isla markaana loogu celiyey Xabsiga magaaladda Gabiley oo ay mudo saddex todobaad ku dhaw hore ugu jireen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here