HALKAN KA AKHRISO: Qaybaha 23aad ilaa 27aad Ee Taxanaha Axkaamta Ramadaanta- Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

0
52

Qaybtii 23aad

 

Ictikaafka

Ictikaafku shareeco ahaan, waa qofka oo ku nagaada in muddo ah masaajidka, Alle SWT dartii. Waana arrin ka sugnaatay Rasuulka CSW inuu sameeyey, Alle SWT wuxu yidhi isagoo iftiminaya Ictikaafka, “Hala kulminna xaasaskiina idinkoo ku ictikaafsan masaajidka.”

Ictikaafku Rasuulkeena CSW hortii wuxu ahaa cibaado lala iman jiray, sida Alle SWT sheegay ba, “Waxaanu kula ballanay Ibraahim iyo Ismaaciil inay u nadiifiyaan gurigayga ‘Kacbada’ kuwa dawaafaya, iyo ictikaafaya.”

Sidoo kale Ictikaafku wuxu leeyahay Axkaam, Shuruud, Adaab iyo wax jabiya markaa haddaynu iska soo ururino waxa aynu ku soo koobi lahayn:-

 

Axkaamta ictikaafka

  • Waa sunne
  • Waa sunne la adkeeyey tobanka dambe ee ramadaan
  • Waajib ayuu noqonaya haddu qofku ku  nadro

Shurudaha ictikaafka

  • Niyadda inaad galiso inaad ictikaafayso, waa laga marmaan waayo niyaddaa wax kala saarta inaad maasajidka iska fadhido iyo inaad ku ictikaafayso.
  • In aanad maasajidka ka bixin cudur daar la’aan sida inaad wax soo cunayso, soo maydhanayso, iwm.

 

Adaabta ictikaafka

  • Inaad ku mashquusho Qur’aan akhris, digri iyo duco badan
  • Inaad iska ilaaliso hadalka badan
  • Xanta iyo isku dirka iyo malayacniga waa in aad ka fogaataa
  • In aanad la soo dhex gelin maasajidka wax wakhtiga ka qaada sida game, ama lapton aad internet ku soo xidhato oo aad halka dadka kala sheekaysato wakhtigii cibadadana kaa lumiya.

Waxa buriya ictikaafka

  • Galmada
  • Dhiiga caadada
  • Qofka oo ka baxa maasajidka cudur daar la’aan
  • Qofka  oo diinta ka baxa

rakuub

Qaybtii 25aad

Laylatul-Qadriga

Alle SWT bilaha iyo maalmuhu u kala qiimaysan, maalin waxa ugu qiimo badan maalinta banka Carrafaad la taagan yahay. Waxa ay qiimahaa ku yeellatay waa waxqabadka maalintaa la samaynayo. Sidoo kale habeen Alle SWT abuuray waxa ugu weynnayn badan habeen aan si sax ah loo sheegin habeenka u ku dhaco se habeen is gedgediya ah. Oo si halxidhalaysan loo baadhayo, waa habeenka la barakeeyey ‘laylatul qadri’. Waa habeen ka fadli badan saddex iyo sideetan sannadood iyo waliba bilo sida Alle SWT sheegay, “Habeenka la waynneeyey ‘qadrigu’ waa habeen ka khayr badan kun bilood.”

Habeenkan waynnidiisa waxa ka mid ah inuu yahay habeenkii la soo dejiyey Qur’aanka, “Waxaanu soo dejinay ‘Qur’aanka’ habeen la wayneeyo.” Mar kale Alle SWT isagoo si faahfaahsan uga hadlaya wuxu yidhi “Annaga ayaa soo dejinay habeen la waynneeyey ‘Qur’aanka’, maxaad ka taqaan habeenka la wayneyey, waa habeen ka khayr badan kun bilood, waxa soo daadagta malaa’igta iyo Malaga ruuxda ‘Jibriil’, ogolaanshaha Rabbigood, waana habeen nabdoon illaa waagu ka baryayo.”

Rasuulku CSW wuxu doonayey habeenkani habeenka u dhaco inu Saxaabada u sheego, se waxa dhacday in laba Saxaabi oo murmay darteed Rasuulki CSW la ilawsiiyey habeenku habeenka uu ahaa, “Waxase laga yaaba inay sidaasi idin khayr badan tahay.” Rasuulku CSW wuxuu hadalkaa u lahaa inaynu ka baadhbaadhno habeenada laynoo asteeyey midkood inu yahay, “Ka daydaya habeennada kala dhiman, kow iyo labaatanka, saddex iyo labaatanka, shan iyo labaatanka, toddoba iyo labaatanka iyo sagaal iyo labaatanka.” Sidaa ajligeed habeen uun aduu astaysan maysid, se habeenku waa habeen guur guura ee habeennada kala dhiman ba iska xil saar inaad ka baadhbaadho.

Habeenkan waxa lagu wayneeya waa salaad badan, duco badan iyo xuska Alle SWT oo la badiyo, “Qofka kaca habeenka laylatul-qadriga, ee u kiciyo iimaan iyo Alle ka cabsi, waxa la dhaafa dambigiisi hore iyo kiisi dambe ba.”

Sidoo kale habeenka waxa lagu gartaa cirku inaanu daruur lahayn, jawiguna meel dhexaad yahay qabow iyo kulayl aan midna hayn, habeen ahaanna uu yahay mid nabdoon. Hase ahaate laguma garto ey baa ciyey, iyo dameer baa dinaahiyey.

rakuub

Qaybtii 26aad

Laylatul-Qadriga (2)

Caa’isha Rc ayaa Rasuulka CSW wayddiisay haddaan la kulmo habeenkan maxaan idhaa, Rasuulku CSW wuxuu ugu jawaabay  inay ku ducaysato, “Allow waad saamaxaad badan tahay, cidda wax samaaxdana waad jeceshahee na saamax.” Run ahaantii  waa duco wax walba koobsanaysa.

Waxa aynnu baraarujin lahayn in ay habeennadan oo kale ay dhacdo in dadku salaadaha sunnayaasha ah ku dadaalaan oogistooda halka kuwi la faray ee lagala xisaabtamayey ay dayacaan. Waxa aad arkaysaa qof Tarawiix ama Tahajud habeen walba u taagan oo haddana salaaddii subax ka hurda, taasi cibaado noqon maysee waa istusnimo, mid kale ogow sunnaha oogisteeda iyo oogis la’aanteeda mid qiyaamaha lagu wayddiinayo maaha, hase ahaate inaad salaadaha faralk ah oogtaa waa mid qiyaamaha ku dul saaran.

Ma diidayo in la tukado salaadaha sunnayaasha ah, hase ahaate waxa aan leeyahay faralka aynu ka soo dhalaalno horta, dabadeed sunnayaasha aynu u soo tafaxaydano, si cibaadadu inooga noqon mid wajiga laynagaga dhufto.

 

 

Sakaatul-fidriga

Sakaatul fidrigu waa qofka khaladaadkii ka dhacay intuu soomanaa oo laga nadiifinayo sidu Rasuulku CSW sheegay, “Sakaatul fidrigu waa qofka oo khaladaadkii iyo macsidii ka dhacday lagaga nadiifinayo iyo masaakiinta oo la quudinayo, qofka salaadda ka hor bixiya waa sako la aqbalay, qofka salaadda ka dib bixayana waa sadaqo ka mid aha sadaqooyinka.”

Sakaatul fidriga la bixinnayaa waa cuntada waddankaa laga isticmaalo, adoo bariis cuna dadka qamadi siin maysid, ee waxaa aad cunto unbaad dadkana siinaysaa. Isku soo celcelis inta la bixinaya waa laba kilo iyo badh, oo raashin ah sida bariis ama cunto kaydsanta, see daqiiq iyo sonkor ku bixin maysid.

Xilliga la bixinaya waa cadceeda u dambaysa maalinta Ramadaan marka ay dhacdo ee ay soo baxdo cadceeda maalinta ciiddu, “Qofka salaadda ka hor bixiya waa sako la aqbalay, qofka salaadda ka dib bixayana waa sadaqo ka mid aha sadaqooyinka.”

rakuub

Qaybtii 27aad

Sakaatul-fidriga (2)

Salaadda ciidda ka hor inaad bixiso ayaa la raba si qofkii maskiinka ahaa u helo, markaas bay noqonaysaa sako la aqbalay, hase ahaate haddaad bixiso salaadda ciidda ka dib waa sadaqo. Dood baa ka taagan ma loo aqbalaya sako, waxaanay u badan tahay in aan la aqbalayn haddaan cudur daar jirin, sida qofka oo ilaawa. Waxa kale oo banaan labada cisho ee u dambeeya Ramadaanta in la iska sii bixin karo sakaatul fidriga.

Waxa sakaatul fidriga laga qaada qof kasta oo muslim ah, qaangaadhnimo u shardi maaha, sidoo kale lab iyo dhadig waxa laga qaada wax isku mid ah, yar iyo waynna waa isku mid.

Ilmaha yar ee dhasha maalinta ciidda lagama rabo sakaatul fidri, sidoo kale qofka dhinta maalinta u dambays Ramadaan isna laguma laha sakaatul fidri, hase ahaate waxa la doonaya in qofku labadaba soo gaadhay Ramadaan iyo ciidda ba.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here