Halkan Ka Dhageyso: Wasiirkii Hore Ee Ganacsiga Iyo Maalgashiga Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Xil Ka Qaadistiisa Iyo Sababaha Keenay

0
20

Hargeysa (Hubaal) Wasiirkii hore ee ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa ka hadlay xil ka qaadistiisii iyo waxaayabaha keenay in madaxweynuhu uu xilka ka qaado dr Maxamed C/laahi.

Waraysi uu maanta Gelinkii dambe siiyay laanta afsoomaaliga BBC-da ayaa uu kaga hadlay xil kaqaadistiisa

waxaaanu ku sababeeyay wasiirku in khilaaf xisbiga kulmiye soo kala dhex galay oo ay madaxwene siilaanyo isu fahmi waayeen oo uu ku sheegay in ay jireen niman wasiiro ah oo khilaafka xisbiga hurinayeen

Isaga oo ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “waxaan diiday inaan ku hawl galo mabda’a aanan aaminsanayn..mana noqon karo nin kushaqeeya mabda’aas oo kale… taas ayaana keentay inaanu madaxwaynaha is isku fahmi wayno sida loo xalinayo arinta Kulmiye….madaxwaynaha waxaa lagula talinyaa talooyin amaanka qaranka wax yeelaynaya”

 

wasiirka ganacsiga

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here