“Halkan Uunbey [Qurbejoogu] Noogu Yimaadaan’e Waxaannu Jecelnahay Iney Iska Noqdaan Mar Haddii Kaambeynkii Dhammaaday”

0
93

Faysal Cali Waarabe Oo Talooyin Faraqa Ugu Guntay Qurbe-jooga U soo Shaqo-taga Dalka

 

 

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka qeyb galay xafladii xadhiga laga jaray SIILAANYO NATIONAL LIBARARY ayaa la hadlay qurba joogta reer Somaliland, waxaannu sheegay in uu farta ku fiiqayey oo wax tarka ay dalka keenaan yartahay.

Faysal waxaa uu qurba joogta u sheegay in aannay dhalinyarada jaamacadaha dalka ka soo baxay aanney ku cidhiidhyin shaqooyinka ee ay dib ugu noqdaan dalalkii ay ka imaadeen,waxaannu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “ marka hore waxaannu farta ku fiiqayney qurba jooga somaliland, oo wax waxtar keena wey yaraayeen, halkan uunbey noogu imaadaan iyagoo shaqooyinka ku cidhiidhyaya dadkii waddanka joogay, horta dee dibadda weynu aragney, wuu yar yahay horta wax reer somaliland ah oo ka keenay faa’iido amma wax ku soo bartay amba mashaariic ka keenay, haddanna waxaannu xukuumadda cusub ku boorinaynaa in qurba jooga aanney ku cidhiidhyin dhalinyaradda ka soo baxaysa jaamacadaha Somaliland, waxaannu jecelnahay iney iska noqdaan mar haddii kaambeynkii dhammaaday.”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal ayaa ka warammay dhalinyarada jaamacadaha dalka ka soo baxa sannad walba inta ay gaadhayaan oo uu ku sheegay  illaa shan kun oo arday, waxaannu intaas ku daray inay jiraan arday ay hooyooyinkood dan yar yihiin oo ay suuqa ku iibiyaan khudrad oo ay jaamacadaha kaga bixiyaan fee-ga ilmohooda waxaannu yidhi: “ sannadkii waxaa jaamacadaha ka soo baxa shan kun oo arday, qaarbaa laba laba shahaado haysta, dhalinyaro kale oo waxaa jirta hooyooyinkood qaar khudradda iibisa, oo ka soo saartay jaamacadaha illaa hadda baska ayey ka bixiyaan, kuwaasba mudnaanta leh ee raali baad naga noqon doontaan, qof qof laga maarmi waayo, oo khabiir ah mooye maanta waannu isku filanahay.”

Guddoomiyuhu isagoo ka hadlaya dibaatada dadkeena ka haysata akhris la’aanta iyo sida dhalinyaradu ugu foogan tahay qaadka iyo marfishyada wuxuu yidhi “ dhalinyaradan iyo dadkeenan maskaxdooda waxaa ka buuxda marfash’e, mid libarary ku badala horta wey fiican tahay oo marfishka uun bay yaqaanaan oo libarary mabay maqal’e” intaas waxa uu raaciyey xafiisyadii uu xisbiga ucid wakhtigii ololaha kiraystay ay dhalinyaradu marfashyo ka dhigteen “annagu barigii dhawayd ee kaambeynka waxaannu magaalo kasta ka furney sideetan xafiis oo lagu wada qaylayo oo marfash miidhan bey ahaayeen”

Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Run ahaantii waa meelaha aynu ku liidano akhrisku, waxaan hubaa in libarary-gani noqon doono kii u horeeyey, madaxweynayaashu markay tagayaan mid walba libarary baa loo sameeyaa, libarary-ganna waa kii Siilaanyo madaxweynaha sii socda, kii cigaal-na weynu samayn doona iyo kii riyaale, kan markaa waxaynu u daynaynaa kii Siilaanyo kii qarankana weynu dhisi doona, madaxweyne Siilaanyo libarary iyo wax ka weynba wuu mutaystaa, fikradaa fiican ee aad hesheenna waannu idinku boorinaynaa, in madaxweynaha lagu magacdaro-na waan ku faraxsanahay, waxaynu sugnaaba waa dawladdii cusbeyd inshaa allah, waxaynu rajaynaynaa ineynu Somaliland bisinka u qabanno, xumadii innaga go’day ee waxaynu doonaynaa ineynu midnimadda ka shaqayno, annagu diyaar baannu nahay innaanu la shaqayno madaxweynaha cusub haddii uu diyaar u yahay, haddii kalena de halkayagii baannu ka miisi doonayo, waannu is fahmaynaayo de ku giijidu waa noo diyaar, laakiin waxaa doorkan loo bahan yahay in ku giijiskii lagu baddalo halagu wada qabto, oo dalkan yari horumar buu u baahan yahay, oo halkaa uu madaxweyne Siilaanyo keenay hore uga sii soconno ayaa loo bahan yahay, wasiiradii madaxweynaha la soo shaqeeyeyna wey mahadsan yihiin, intii na kala gaadhayna halkaas haku dhammaato.”

Faysal ayaa hoga tusaaleeyey sida looga bixi karo  kala qeybsanaanta waxaannu yidhi: “Hadda waxaynu bilaabaynaa waji cusub, Cali Khaliif-na waakan iyo Khaatumo Group waa kuwa halkan jooga weyna sugayaan inaynu dhammays tirno, Somaliland midayno, Buuhoodle midayno, barrigii sanaag tagno markaa hawlahaas ayaa inna sugaya, waxaannan jecelahay innaynu jeegaantii iyo garxajisnimadii iska laablaabno oo aynu dadka midayno, sharcina weynu soo saaraynaa oo kala saaraya siyaasiyiinta, salaadiinta iyo cuqaasha oo khad cad beynu samayneynaa, waddanka sharci  adag beynu samayneynaa inshaa allaah, Axmed Siilaanyo-na nin macaan buu ahaaye hadda qadhaadhkii baa la bilaabayaa insha allaah.” Intaas ayuu Guddomiye Faysal hadalkiisa ku soo koobay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here