Hambalyada Madaxweynaha JSL Ee Sanadka Cusub 2018-Ka

0
177

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Hambalyo iyo Salaan ku saabsan munaasabadda Sannadka Cusub ee miilaadiga 2018-ka awgeed u dirayaa dhammaanba Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan gudaha iyo dibedda dalka.

Madaxweynuhu mar labaad waxa uu Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed, uu Hambalyo iyo Salaanba u dirayaa dhammaanba Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Qaybaha Ciidamada Qalabka sida, Goleyaasha Qaranka iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiinba.

 

Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ALLE uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa kale ku gaadhaan Nabadqab, Barwaaqo, bash-bash iyo Horumar. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu Shucuubta Bulshada Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2018-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasilooni taama.

 

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here