Hambalyo Iyo Bogaadin Ay Urur Dhalinyaro Oo Gobolka Hargeysa Ka Dhisani U Direen Madaxweynaha Cusub

0
185

Hargeysa (Hubaal)- Ururka Bah-wadaagta Dhallinyarada ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa ku hambalyeeyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xubnaha dhallinyarada ah ee uu u magacaabay xilalka qaranka. Xubnaha Ururka Dhallinyarada ee Bah-wadaagta oo kulan ku yeeshay hudheelka Bacaado ee caasimadda Hargeysa, waxa ay tilmaameen inay si aad ah ugu faraxsan yihiin xubnaha dhallinyarada ah ee ka mid noqday Golaha Wasiirrada uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxayna sheegeen in arrintaas muujinayso muhiimadda ay xukuumadda cusub u hayso da’yarta reer Somaliland.

Qaar ka mid ah xubnaha dhallinyarada ah oo halkaas hadalo ka jeediyey, ayaa kula taliyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inuu sidii kale ka shaqeeyo horumarinta waxbarashada, xirfadaha kala duwan iyo shaqo abuurka dhallinyarada, taasoo ay xuseen inay horseed ka noqon karto horumar dhinacyo kala duwan ah oo dalka Somaliland ku tallaabsado.

Waxa kaloo ay xubnaha Ururka Dhallinyarada Bah-wadaagta ee Gobolka Maroodi-jeex ay ku ammaaneen Madaxweynaha cusub amarka uu siiyey Golaha Wasiirrada ah ee ahaa in aanay ka dhex muuqan shirarka beelaha, iyagoo ku dooday in arrintaasi hordhac u tahay qorshayaasha lagula dagaalamayo qabyaaladda caqabadda ku ah horumarka iyo qarannimada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Sida ay sheegeen xubnaha ururka Bah-wadaagta Gobolka Maroodi-jeex, xubnaha Golaha Wasiirrada ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi magacaabay waxa ay 40% ka kooban yihiin dhallinyarado aqoonyahan ah oo door ka qaadan karta horumarka Somaliland iyo hirgelinta ballanqaadyadii xisbiga KULMIYE ku galay ololaha doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 13 November 2017, taasoo ay sheegeen in murrashaxiintii KULMIYE guul weyn ka gaadheen, loona doortay inay noqdaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here