Hanti-dhawrka Qaranka Oo Bilaabay Baadhitaanno Lagu Kala Hufayo Dawladaha Hoose Ee Dalka & Tal-laabadii U Horreysay Oo Sahayatay Maayarka Boorama

0
1

Badhasaabka Awdal Oo Ka Hadlay Halka Uu Sal-dhigay Khilaafkii Golaha Deegaanka Kala Qaybiyay

Boorama (Hubaal) – Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Boorama ayaa laba garab u kala jabay.   Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Shaqaabe ayaa sheegay in xaaladu ay caadi tahay isla markaana aanay jirin wax dhibaato ah oo ka taagan Magaaladda Boorama, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Xaalada Gobolku Waa Nabad, Nabadgalyo ayaa ka jirta, wax balaayo ahina ma jirto, waana wax la buunbuuniyay waxaas laga hadlayaa, ciidana cid uma kaxaysan, cidna kumaan xidhin, laakiin waa wax la buunbuuniyay”. Waxa kale oo uu ka hadlay waxa uu ka rajaynayo Magaalada Boorama “Iminkana waxa aan ka rajaynayaa Khayr, dadka iyo shacabka Somaliland waxa aan ugu bushaaraynayaa in aanay balaayo ka jirin gobolka. Wax nabad galyo darro ah gobolka ka jirtaana ma jirto, iminkana wax nabad galyo darro ah oo aan ogahay ma jirto, ilaahayna khayr buu ka dhigayaa wixii danbe” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal Oo Bulsho U Waramayay.

Maxaa Dhaliyey Khilaafka?

Dorraad Ayay ahayd subaxnimadii hore markii ay magaalladu ku waabariisatay ciidamo ka mid ah kuwa ammaanka oo ku sugan xarunta dawladda hoose ee magaallada Boorama halkaas oo qorshuhu ahaa in laga bilaabo hawlgal uu xafiiska hanta dhawarka qaranku ka bilaabi lahaa xarunta dawladda Hoose, hawlkan baadhista ah oo sida ay ilo xogogaal ah oo Wargeyska Hubaal xidhiidh la sameeyey u sheegeen in uu foodsaaro u yahay qorshe uu xafiiska hantidhawrka qaranku doonayo in uu gebi ahaanba ka fuliyo xarumaha dawladaha hoose iyo goleyaasha deegaanka ee dalka oo dhan, kaasi oo bar bilow looga dhigay ama fulintiisa loogu wanqalay golaha deegaanka ee magaallada Boorama. Hawlkan hantidhawrka oo wasaaradda daakhiligu ka caawinaysay xafiiskaas ayaa waxa sido kale xarunta dawladda hoose ku sugnaa saraakiil ka tirsan wasaarada daakhiliga iyo badhasaabka gobolka Awdal oo iyaguna uu qorshahoodu ahaa kal fadhi aan caadi ahayn oo la filayay In uu subaxnimadii dorraad ee Isniintii ay xildhibaannada goluhu yeeshaan kaasi oo ay cod ugu qaadayeen maayarka degmada Mr. maydhane oo sida la sheegay  hantidhawrku u aanaynayay asaraar musuqmaasuq oo xafiiskiisa ka jira, hase yeeshee kalfadhigaasi wuu baaqday waxaana maallinimadaas laga war helay  warqad magacaabis xambaarsanayd oo maayar ku meel gaadh ah loogu magacaabay Boorama   kadib markii uu baaqday kalfadhigaasi la doonayay in xilka lagaga qaado maayarkii hore Boorama oo lagu eedeeyay Musuq-maasuq.

shabakada Hadhwanaagnews u xaqiijiyay Badhasaabka gobolka Awdal Md. Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay inuu  Maayar ku xigeenkii Hore ee Boorama Md. Cumar Jimcaale Ileeye loo magacaabay inuu noqdo Maayarka Ku meelgaadhka ah ee Boorama.    Badhasaabka Awdal ayaa sidoo kale sheegay in Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Xeer 21 uu dhigayo in la magacaabi karo Maayar ku meel gaadh ah mar hadii uu qabsoomi waayay Kalfadhigii xilka lagaga qaadayay maayarka la eedeeyay.

Warku waxa uu intaa ku ladhay   in ay jirto warqada xilka loogu magacaabay Maayarka ku meelgaadhka ah ee cusub, hase yeeshee   ma kala caddayn in warqadan ay tahay mid ka timid Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland  iyo in ay tahay mid ka soo baxday Xafiiska gobolka Awdal  Xildhibaano gaadhaya Dhawr iyo Toban oo noqonaya In ka badan ½ ayaa ka maqnaa gudaha Dawlada Hoose ee Boorama, waxana xildhibaanadan iyo Maayar Maydhane oo hadlay ay sheegeen in Badhasaabka Awdal uu maroorsaday Awdoodii Sharciga ahayd, sidoo kalena oo damacsan yahay in uu maamulka D/Hoose wax ka badalo, halka ay masuuliyadaas ka lahaayeen Xildhibaanadu, iyaga oo markaas ku gacan saydhay wax ay ugu waceen faragalin qaawan oo Badhasaabka Awdal ku hayo Gudaha Xildhibaanada Golaha Degaanka Boorama.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here