Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo Afka ka Xidhay Musuq-maasuq lagu eedeyey

0
17

Hargeysa (Himilo)- Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud-Dheere), ayaa gaashaanka ku dhuftay isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaliilo loogu jeediyey warbixin Guddi-hoosaadka Daba-galka Musuq-maasuq ee Golaha Wakiilladu ka hor-jeediyeen fadhigii shalay ee golahaas.

hanti-dhawrWarbixintan oo Guddi-hoosaadka daba-galka Musuq-maasuq ee Wakiilladu ka jeediyeen fadhigii shalay ee Golahaas, ayaa lagu sheegay in Hanti-dhowraha Guud ee Qaranku uu ka cago-jiiday isla markaana uu kaga baxay ballamo dhowr ah oo guddigu kaga dalbadeen xog-warran iyo arrimo la xidhiidha hawlaha uu qaranka u hayo oo ay doonayeen inay la yeesheen, iyagoo sheegay inay tiraba dhowr jeer waraaqo ay kaga codsanayaan kulan dhexmara u direen Hanti-dhowrka balse aanay jawaab waafi ah oo ay ku qancaan aanay ka helin.

Waxa kale oo Guddiga Daba-galka Musuq-maasuqa ee Golaha Wakiilladu warbixintooda ku xuseen in musuq iyo wax-is-daba marin regaadisay hay’adda Hanti-dhowrka, isla markaana guddi ahaan aanay ka helin Hanti-dhowraha wax Xisaab xidh ah oo ku saabsan shaqada ay qaranka u hayso hay’addaasi.

hanti-dhawr1-300x236Haseyeesehee, Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Maxamuud-Dheere oo xalay Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey jawaabta uu ka bixinayo eedaymaha ay Guddi-hoosaadka daba-galka Musuq-maasuq ee Golaha Wakiilladu u jeediyeen, ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday inuu si faahfaahsan uga hadlo arrintaas, isaga oo ku gaabsaday inaanu wakhtigan diyaar u ahayn ka hadalkeeda, jawaabteedana uu wakhti kale kaga hadli doono.

Balse wariyaha Himilo oo Hanti-dhowrka weydiiyey waxa uu kaga jawaabayo eedaymaha loogu jeediyey ballan-fur iyo meer-meerin ay guddigu ku eedeeyeen, ayaa sheegay inaanay waxba jirin dhaliilaha loo jeediyey isla markaana ay is-arkeen guddiga. “Waxba kama jiraan arrintaas. Guddiga waanu kulannay oo waanu is-aragnay,” sidaas ayuu ku gaabsaday Hanti-dhowraha Guud ee Qaranku.

Md Maxamuud-Dheere oo aanu sii weydiinnay jiritaanka inaanu guddiga u gudbin Xisaab-celin ay ka dalbadeen, waa uu beeniyey arrintaas, waxaanu ku dooday inaanay waxba ka jirin eedayntaas, isaga oo gebi ahaanba ka gaabsaday inuu ka sii hadlo arrintan.

Himilo media

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here