Hargeysa: Ciidanka Dab-Demiska Oo Ku Guuleystay Daminta Dab Ka Kacay Xaafada Boqol Iyo Kontonka

0
1

Hargeysa (CDDQ)-15-08.2018- Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa galabtii maanta lagu soo wargeliyay dab ka kacay Xaafada Boqol iyo Kontonka ee Degmada Ibraahim Koodbuur.

 

Dabkan ayaa noociisu ahaa guri daara kaasoo ka koobnaa Laba Qol, waxaana Gubtay Qolka Cunto karinta ee Kijjada, waxaana yaalay halkaa kabadh iyo Sariir kuna gubtay Kijada.

 

Ciidanka ayaa ka hawlgalay dabkaa waxaana ciidanku ku guuleystay daminta dabkaaa iyadoo ciidanku ku xakameeyay dabkaas isla halkii uu ka bilaabmay, sidoo kale ciidanku wuaxuu dabkaa ka xakameeyay guryo badan oo ku hareeraysnaa gurigaas dabku ka bilaabmay.

 

Hawlgalkan ayaa waxaa hogaaminayay Hogaanka Hawlgelinta Ciidanka Dab-demiska Qaranka Taliye Cabdifataax Maxamed Xaashi(Sulux) iyo dhamaan saraakiisha ciidanka oo hawlgalkaa iyo daminta dabkaa ku guuleystay.

 

Laamaha amaanka iyo maamulka degmada Ibraahim koodbuur ayaa iyaguna ciidanka dabdemiska Qayb kala ahaa Hawlgalkan Daminta dabka, kuwaasi oo badanaaba kala hawlgala ciidanka hawlgalada.

 

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL

 

Hargeysa/Somaliland.

 

Emergency Call-990

 

Facebook/Twitter/Skype/Ciidanka Dab-demiska

SHARE
Article horeNin Aan Waxa Jooga Garanayn, Waxa Soo Socda Ma Garto!. W/Q: Maxamuud Cali Sh. Maxamed (Walaaleye).
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here