HUBAALMEDIA.COM
HARGEYSA: Daadad Dibedda U Soo Saaray Lafihii Xabaallaha Boqol-jire Oo cabsi Ku Beeray Xaafadaha La Deriska
October 15, 2016 - Written by admin

Lafaha Meydadka Oo Noqday Wax Daadku Qaaday Iyo Wax Gebiyada Dooxa Ka Laa-Laada

 xabalaha-boqol-jire

Hargeysa(Hubaal)-Lafaha meydad ku aasnaa Xabaalaha xaafadda Boqol-jire ee duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa dibadda soo dhigay daad awood badan oo maalmihii ugu dambeeyey halkaas kusoo rogmanayey, waxana isku dumay xabaalo tiro badan oo halkaas ka samaysnaa, kuwaas oo muddo dheer ka hor marxuumiinta ku jirta lagu aasay.

Gebiyada dooxa hareeraha ka raacsan oo uu daadku soo dumiyey, ayaa waxa ka muuqday qalfoofyada lafaha dadka halkaasi ku aasnaa , sida muuqatayna badi dadkii meeshaasi ku aasnaa in yar mooyaane intooda badan wuu qaaday, daadkii meeshaasi soo maray.

 Goobta ay xabaalahani ku yaalaan ayaa ah goob biyo mareena, waxaanay saldhig u tahay laagta ka timaada dhanka Isha Cobasha oo xoogga biyaha halkaasi soo maraa ay ka soo rogmadaan, mana jiraan wax xayn-daab ah oo dadka meeshaasi ku aasan ka duwayaa biyaha laagtan ka soo rogmada.

Xabaalaha dumay iyo lafaha dadkii ku aasnaa oo haatan inta daadku qaaday mooyaane intoodii badnayd dibadda yaalliin, ayaan haba yaraatee wax gurmad ah ka helin hay’adihii ku shaqada lahaa oo ay Dawladda Hoose kow ka tahay, waxana xusid mudan inay dawladda Hoose xabaalahaas cidhiidhi gelisay, isla-markaana aanay xataa xan-daab u samaynin.xabaalaha-boqoljire

Sidoo kale wasaaradaha Hawlaha guud iyo Diinta iyo Awqaafta oo ku shaqo leh xabaalaha, ayaan iyaguna wax tallaabo ah weli qaadin, waxana ay daawanayaan lafaha iyo qalfoodka marxuumiintii halkaas ku aasnayd oo daadadku dibadda wadheen.

Dadka deriska la ah xabaalah daadku qaaday, ayaa iyagu inta itaalkooda ah gacantooda ku ururiyey lafo tiro badan oo daadku dibadda usoo saaray, waxana ay saxaafadda usoo bandhigeen sida uu daadku xaabalaha u dumiyey, isla-markaana dibadda usoo dhigay badiba lafaha dadkii halkaas ku aasnaa.

Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa iyadu masuul ka ah xabaalaha, waxana waajib ku ah inay si degdeg ah ugu gurmato, isla-markaana lafaha wixii halkaas ku hadhay ka gurto oo xabaalo goobo ku haboon ku yaalla ku aasto.

Dayaca xabaalaha haysta ayaa ah mid aan qarsoonayn oo dibadda usoo baxay, waxaana dadka deegaankaas ku nooli dawladda Hoose iyo hay’adaha kale ee qaranka ka codsadeen in si degdeg ah loogu gurmado xabaalahaas, isla-markaana la diyaariyo dhulkii lagu aasi lahaa hadhaaga lafaha ay dadkaasi ururiyeen oo weli dibadda yaalla.

 Inta badan magaalada Hargeysa dadka dhinta waxa lagu aasaa meelaha dooxyada ah, marka laga reebo goobo si gaar ah loogu qayday inay xabaalo noqdaan, waxana sabab u ah inaanay dawladdu diyaarin istaraatiijiyad dhul gaar ah loogu diyaarinayo in mustaqbalka iyo haatanba lagu aaso dadka geeriyoonaya.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews