HARGEYSA: Diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya oo caawa argagax geliyada bulshada

0
4

HARGEYSA (Hubaal) Diyaaradaha dagaalka oo joog hoose ku duulaya ayaa caawa abaaro markhibkii dulmaray caasimada somaliland ee hargeysa. Diyaaradahan ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa kontomeeye, oo ah nooca Helicopter ah, ayaa argagax ku abuuray bulshada reer hargeysa. Lama garanayo halka kasoo kicitimeen diyaaradahan jooga hoose ku duulayay, hase ahaatee goob-jooge ayaa hubaal u xaqiijiyey, inuu arkay diyaaradahaasi, isagoo ku sugnaa xaafada jigjiga yar oo sida uu sheegay bulshada ku nooli ay indhahooda ku daawanayeen diyaaradahaasi oo dhinaca koonfureed ku socday. Shalay ayay dawladda maraykanku sheegtay inay weerar dhinaca cirka ah oo ciidamadoodu ka fuliyeen somalia ay ku dhinteen saraakiil Alshabaab ah. Maaha markii koowaad ee diyaarado dagaal soo dulmaraan hawada somaliland, iyagoo joog hoose ku socda, inta badana waxay kasoo kicitimaan xeebta dalka jabuuti oo somaliland jaar la ah, halkaas oo uu ku yaallo saldhig ciidanka maraykanka iyo kuwa yurub ahba fadhiyaan.

SHARE
Article horeSaxaafadda Nairobi Oo Xaqiijisay Kulan ay yeesheen Farmaajo & Kenyatta + Heshiis Qarsoodi Ah Oo Ay Gelayaan
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here