HARGEYSA: Dugsiga Sare Ee Suld. Maxamed Suld. Faarax Oo Albaabadii U Xidhmeen Kadib Ballanqaad Ay Xukuumaddu Samaysay Oo Meesha Ka Baxay

0
1

 

 

“Madaxweyne Miisaankii Cadaaladdu Dhinac Buu U Janjeedhaa, Dugsiganina Kuwii Hiilka U Baahnaa Buu Ka Mid Yahaye Ee Illaahay Baan kugu Dhaariyee Somaliland U Caddaalad Samee”

 

 

 

Hargeysa (Hubaal)- Dugsiga Sare ee Suld. Maxamed Suld. Faaraxoo kamid ah dugsiyada sare ee dawliga ah ee kuyaalla magaallada Hargaysa ayaa guud ahaanba ay joogsatay waxbarashaddii ay ardaydiisu maalinlaha u qaadan jireen kadib markii ay dugsigaasi soo foodsaartay dhaqaalle  la’aan ku wajahan gaadiidka ardayda geyn jirtay islkuulka, kana soo rawaxin jirtay duhurkii.

Dugsigan oo ku yaalla xaafadda masallada ee duleedka koonfureed eemagaallada Hargeysa oo tan iyo aasaaskiisii ardayda lagu qaadijiray  basas  kharashkooda uu maamulka dugsigu la kaashan jiray bulshada ayaa meesha ka baxday sidaasina waxaa Bulsho TV u xaqiijiyey maamulka dugsiga sare ee Suldaan Maxamed. “Walaal dugsigu wuxuu xidhmay kadib markii ardaydii iyo macalimiintiiba ay waayeen kharashkii ay ku shaqaynayeen basaskii qaadi jiray , taasi ayaana sababtay annaga oo intii hore oo dhanla soo tacaalaynay cid noo soo jawaabta oo na gacan qabatana aanu weynay”. Sidaasi waxaa yidhi mid kamid ah maamulka dugsiga Suld.Maxamed Suldaan Faarax oo shalay warbaahinta ugu warramay xarunta dugsgaasi oo ay indho indhayn ku tageen. Dhinaca kale dugsigan oo dhawaan  ay xukuumaddu ballanqaaday inay miisaaniyada ugu dartay dhaqaalle lagu taageerayo baahiyaha dugsigan u gaarka ah,  isla markaana uu wasiirka maalliyadu Yuusuf Maxamed Cabdi bishii hore mar uu kormeer ku tagay xarunta dugsiga shaaciyay in dugsigani ku jiro dugsiyada waxqabadkooda lagu daray miisaaniyada wasaaradda waxbarashada  ayaa mar waxlaga waydiiyey maamulka dugsigani sheegay in arrintaasi ay kaalintii kaga aadanayd wasaaradda waxbarashadu meesha ka baxay kadib markii ay wasaaraddaasi dheg jalaq u siin weyday cabashada maamulka dugsigan iyo baaqa la xidhiidha in ay la wareegto gacan ku haynta iyo maaraynta duruufaha  ku xeeran.

Dhinaca kale Wasaarada waxbarashada iyo Sayniska oo arrintan ka hadashay ayaa mar ay shalay Bulsho TV  wax ka weydiisay afhayeenka wasaaradda waxbarashada Cabdilaahi Ibraahin Xaaji XAsan waxaa

“Sidii maamulka dugsigu ii sheegay waa xaqiiq in uu xidhan yahay, duruufo badanoo la soo darsay awgood kuwaas oo ay kamid ahayd afartii bilood ee u dembeeyey mushaharkii macaliminiinta iyo kiradii basaska oo aanla bixin,islamarkaana rejadii  uu ulanayay dugsigu oo ahayd miisaaniyadda oo gebi ahaanba iyaduna hawada ka baxday  oo aanay suurto gelin inaan dugsigaasi noqon dugsiyada ka dhex muuqda miisaaniyadda” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda waxbarashadu ahna aasaasaha dugsigani Md. Cabdilaahi Ibraahin XAaji Xasan, Waxaanu intaa ku daray farriin uu hawada umariyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi “Madaxweyne MuuseBiixi Cabdi Waa madaxweyne dhib badan soo maray, duruufo badan u soo maray kursigan, halgan dheerna soo galay oo ay dagaallo badanina ka hor yimaadeen, waxaan leeyahay Md. Madaxweyne Illaahay intuu dhibkaa ku galiyey kaasoo saaray ee haddana kaadhigay madaxweyne kugu dhaariyee Somaliland u cadaalad samee, Waayo cadaaladdii way ciirsan tahay oo miisaankii dhinac buu u janjeedhaa dugsigaasina kuwii hiilka u baahnaa buu kamid ahaa, Miisaaniyadii qaranka ee laga dhex saaray dugsigan waxaa ku jira  kuwo kale oo gaar loo leeyahay, sidaasi darteed waxaan  baytalqasiid  uga dhigayaa baaqaygan tuducyo ku jiray tix uu Abwaan Hadraawi leeyahay oo ahayd:

Rabow dawladnimaduna

Kumay iman dalxiisoo

Doorroonayaal baa

U deldelay naftoodoo

Dumar baa hugoodiyo

Dahabkii u iibshoo

Doondoonisteedii

Dhiig baa ku daatee

Rabow daawad curatoo

Ubadkeeda deeqdiyo

Kadhib malabkii doocaan.

Rabiyo dadkaygana

 dan wadaag is jeceloo

darajaysa qarankiyo

bulsho laga dab qaatoo

carradeeda ku dayatiyo

ka dhig ul iyo diirkeed”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here