Hargeysa: Maamulka Degmada 26 June Ee Xisbiga Kulmiye Oo Olole Iskaa Wax U Qabso Ah Ku Dayactiray Jidad Daadku Waxyeeleeyay Oo Ku Yaalla Xaafadda Gol-Janno

0
1

Bulshada Oo Boggaadisay Guddoomiye Muxiyadiin Cabdi Shiil Iyo Dhallinyaro Uu Horkacayo Oo Shalay Iskaa Wax U Qabso Ku Dayactiray Waddo Halbowle U Ah Xaafadda Gol=Janno

Hargeysa (Hubaal) olole iskaa wax u qabso ah oo uu horkacayo Guddoomiye ku-xigeenka degmada 26 june ee xisbiga Kulmiye, Muxiyadiin Cabdi Shiil ayaa shalay lagu dayactiray waddooyin ku yaalla Xaafadda Gol-janno oo ka tirsan degmada 26-june

Hawlgalkan oo ah iskaa wax u qabso ayaa waxa soo agaasimay maamulka degmada ee xisbiga talada haya KULMIYE.

Muxiyadiin Cabdi Shiil oo ah guddoomiye-ku-xigeenka degmada 26-june ee xisbul-xaakimka oo hor kacaya dhallinyarada xaafada Goljano ayaa si iskaa wax u qabso ah hawlo nadaafadeed iyo dayactir waddo iskugu jirta, waxay ka fuliyeen qaybo ka mid ah jidadka xaafada.

Waddo ka mid ah waddooyinka dhexmara xaafada Gol-janno oo jajab badani soo gaadhay ayaa hawlgalkan lagu dayactiray, iyadoona ay buuxiyeen Dhammaan godadkii iyo jeexjeexyadii wadaasi uu daadadkii roobabkii dalka ka da’ayay dhawaan ay soo gaadhsiiyeen.

Dadweynaha ku dhaqan degmada 26 june, gaar ahaan xaafada goljano ayaa si diiran u soo dhaweeyay Tallaabada iyo hawlgalka iskaa wax u qabsada ah ee Guddoomiye ku-xigeenka degmada 26 june ee xisbiga Kulmiye, Muxiyadiin Cabdi Shiil iyo dhalinyarada uu horkacayay ka fuliyeen xaafadaas, iyagoona ku tilmaamay tallaabo ku dayasho mudan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here